Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga UCID oo la soo gabogabeeyey mar saddexaadna Guddoomiye loogu doortay Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Shirweynihii sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay HuteelkaCrown ee magaalada Hargeysa, waxaana markii sadexaad Guddoomiye loogu doortay Muraxii labada jeer guul daraystay Eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo shirweynahan lagu doortay Guddoomiye Ku xigeenka koowaaad oo loo doortay Axmed Jaamac Hoori oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, halka Guddoomiye Ku xigeenka labaadna loo doortay C/Xakiin Garaad Maxamuud Cali Shire oo ka soo jeeda deegaamadda Sanaag barri, halka C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ay isku raas yihiin Guddoomiyaha UCIDna loo doortay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbigaasi.
Shirweynahan waxa ka qeyb galay 150 xubnood oo Haween iyo dhalinyaro u badan oo ka kala yimid gobolada dalka kuwaasi oo intooda badani ku cusub yihjiin xisbiga UCID.

Gabo-gabadii shirweynaha xisbiga UCID waxa laga soo saaray go’aamo kala duwan oo ay ka mid yihiin baaq ay u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo oo la xidhiidhay inuu qabto shir loogu yeedhay aayo ka tashi qaran.

Sdaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xisbigaasi oo u dhignaa sidan:-

A – GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIRWEYNIHII 3AAD EE XISBIGA UCID
XISBIGA CADDALADA IYO DARYEELKA ( UCID) WUXUU UGU BAAQAYAA

1. In Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Inuu Qabto Shir Wada Tashi Qaran Si Looga Wada Hadlo Loogana Yeesho Siyaasad Midaysan Arimahaa Inagu Soo Fool Leh
2- Inla Adkeeyo Nabad Galyada Iyo Madaxbanaanida Soomaliland
3-In Ay Xukuumadu La Timaado Siyaasadii Dalka Ay Ku Hogaamin Lahayd Isla Markaasna La Mideeyo Hanan Socodka Xukuumada Oo Hadda Is Dhex Yaacsan
4-Inuu Madaxweynuhu Uu Ilaaliyo Distoorka Dalka Iyo Shuruucdiisaba Is La Markaana La Kala Saaro Sharci Dejinta Iyo Xukuumadii Oo Isku Milmay Si Loo Helo Isku Dheeli Tiran Awoodeed (Check And Balance) Sida Distoorka Jamhuuriyada Somaliland Ku Qeexan
5- In Maamulka Soomaliland Lagu Fidiyo Dhamaan Deegaamada Soomaaliland
6-In Qabyaalada Iyo Musuqmaasuqa Baahay Oo Ah Dillaaga Qaranimo In La Joojiyo
7-In Caddaalad Darrada Iyo Eexda Ku Baahday Dalka Lasoo Afjaro
8- Wuxu Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelku (Ucid) Madaxwaynaha Somaliland Ku Boorinayaa Inuu Ku Soo Celiyo Xukuumadiisa Inuu Adkeeyo Ga’oankii Gooni Isu Taaga Shacbiga Somaliland Oo Aad Hadda Moodid Inuu Mugdi Badani Sooo Galay Siyaasaddii Arimaha Dibada Ee Somaliland Shacbigii Saaxiibada Somalilandba Uu Shaki Wayni Soo Kala Galay
B- WAXA KALE OO UU SHIRKU ISKU RAACAY GO’AAMIYAYNA UNA CODEEYAYNA IN LAKALA SAARO JAGADA GUDOOMIYAHA XISBIGA IYO JAGADA MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND OO HORE U MIDAYSNAAN JIRAY
1-Waxa Kale Oo Uu Shirku Isku Raacay Una Codeeyay Awoodna U Siiyay Hogaanka Sare Ee Xisbiga In La Baneeyo Jagooyinka Gudoomiye Xigeenka 3aad,4aad,Iyo Jagada Xoghayah Guud Iyo 50 Xubnood Oo Golaha Dhexe Ah
2- Waxa Kale Oo Uu Shirweynuhu Isku Raacay In Tiradii Jagooyinka Ku-Xigeenada Gudoomiyaha Laga Dhigo 4 Xubnood Halkii Ay Hore Uga Ahaan Jirtay 3 Xunood
3-Waxa Kale Ioo Laysku Raacay In Gudida Fulintana Laga Dhigo 45 Xubnood Halkay 33 Xubnood Ka Ahaan Jiratay
4- Golaha Dhexana Laga Dhigo 181 Halkuu Ka Ahaa 151 Xubnood
C- WAXA SHIRWEYNAHA LAGU DOORTAY LAGUNA ANSIXIYAY JAGOOYINKAN SOO SOCDA:-
Guudoomiyah Xisbiga Ucid
Eng Faysal Cali Waraabe
Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Ucid
Md Aadan Jaamac Hoori
Gudoomiye Ku-Xigeenka 2aad Ee Xisbiga Ucid
Md. Cabdixakiim Garaad-Maxamuud Cali Shire
Gudoomiye Ku-Xigeenka 3aad
Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid
Md Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

D- SHIR GUDOONKA MADASHA SHIRWAYNAHA 3AAD
Maxamed Xasan Khayre
Maxamuud Cali Jiir
C/Naasir Yuusuf Qodax.”