Shirweynaha Koowaad ee Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka socda Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa (SAWIRRO)

Hargeysa, 08 April, 2012 (SLpost)- Shirweynihii 1aad ee urur-siyaasadeedka WADANI ayaa maanta ka furmay Hotel Mansor ee magaalada Hargeysa, kaas oo si ballaadhan loo soo qaban-qaabiyey isla markaana socon doona muddo laba cisho ah.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen ergooyin ku dhow in ka badan kun qof oo isaga kala yimi gobollada Somaliland iyo dalalka dibadaha wakiilladooda, waxa kale oo ka soo qayb-galay shir-guddoonka golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, Goleyaasha Deegaanka, Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada Qaranka, xubno ka socda Guddiga Diiwaangelinta ururrada Siyaasadda, Madax-dhaqameed, Aqoon-yahan iyo Marti-sharaf kale.

Xasan Xuseen Cod-yare oo ku hadlayey magaca guddiga qaban-qaabada munaasibadda shirweynaha ururka ayaa u mahad-naqay dhammaan ergooyinka ka soo qayb-galay isaga oo sheegay in guddigooda oo uu magacaabay guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee ururka, ay maanta hawshoodu ku egtahay, isla markaana ku wareejiyey guddiga shir-guddoominaysa shirweynaha.

Waxa kale oo madasha ka hadlay wakiillo metelaya Lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland oo dhammaadtoodba sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu shirweynuhu jewi fiican ku bilaabmo.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net