Shirweynaha 25aad Ee Ururka Jaamacada Carabta Oo Siweyn Isugu Khilaafsan Arrimaha Masar

Kuwait(SLPOST)Shirweynaha 25aad ee ururka Jaamacada Carabta ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo geba gabeeyo magaalada Kuwait oo ay hada ku sugan yihiin inta badan hogaamiyayaasha wadamada Carabta.

shirweynahaCarabta- 25-2014-

Walow aan weli la shaacin Baaqa shirweynahan sanadkan kasoo baxaya ayaa hadana waxaa muuqda in uu weli jiro khilaaf xoogan oo ku aadan xiisadaha ka jira dalalka Siiriya iyo Masar

Shirweynahan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee uu kasoo qeyb galo hogaamiyaha KMG ee maamulka Masar Cadli Mansuur. Waxayna dowlada Masar balanqaaday in shirweynaha 26aad lagu qaban doono dalkeeda, walow si weyn weli la isugu khilaafsan yahay Afgembigii militariga dalkaasi ka sameeyey.

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Carabta ayaa khudbadahooda laga dareemeyey sida ay u kala aragti duwan yihiin.

Amiirka Qatar oo khudbadii ugu horeysay shirka furitaankiisa kasoo jeediyey ayaa si adag uga hadlay xaalada Falastiin iyo dagaalka ka socda dalka Siiriya, wuxuu sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray Dowlada Shiicada ah ee Ciraaq, halka uu amaan usoo jeediyey Dowlada Soomaaliya iyo horumarka ay wado.

Hogaamiyayaasha ayaa intooda badan ka mideysnaa arrinta xaalada Falastiin iyo waan waantii nabada oo ay ku eedeeyeen in Isra’iil ay caqabad ku noqotay, waxaana jira baaq ah in tilaabooyin mideysan ay dalalka Carabta isla qaadaan si loo helo dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiin.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah qodobada sida weyn ay hogaamiyayaasha Carabta yidadiilo uga muujiyeen iyagoo sheegay inay soo dhaweenayaan isbedalada maamul iyo amni ee xiligan ka jira dalka Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland