Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia oo maanta ka furmay Chevening House

London (SLpost)-Shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ay marti-gelisay dawladda Ingiriisku ayaa maanta ka furmay Chevening House oo ku yaala duleedka Magaaladda London.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa la sheegay inay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha dibadda Britain William Hugue iyo dublamaasiyiin ka socda dalalka reer galbeedka iyo daneeyeyaasha mandaqadda Geeska Afrika.

Waxa shirkan ka qeyb galaya toban xubnood oo ka kala socday Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah ee  Somalia.

Ergadda Somaliland waxa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad.

Dhinaca Somalia waxa u matelaya wada hadaladan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Cabdisalam Macalin Maxamed Mohamed, Wasiirka waxbarashadda Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka Somalia u fadhiya Jabuuti Cabdi Xuseen Guul-wade iyo laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo kala ah Xuseen Xasan iyo Maxamed Xasan Aadan.

Weftiga Somaliland waxay shirka la tagayaan qaraar cad oo ka turjumaya maslaxadda madax-banaanidda Somaliland, iyagoo xalayba u gudbiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Britain, kaasi oo ay ugu bal-balaadhiyeen rajada ay ka qabaan midho ka soo baxa shirkan iyo mowqifkooda ku wajahan gooni isu taaga iyo madax-banaanidda Somaliland oo ay tilmaameen inaanay wax gor-gortan ah ka galayn.

Illaa imika ma jiro war ka soo baxay dawladda Britain iyo labada dhinac ee wada hadalku u furmay ee Somaliland iyo Somalia.

Shirkani wuxuu ka dhashay go’aamadii ka soo baxay shirweynihii dawladda Ingiriisku u qabatay xasilinta Somalia bishii Feberwari ee sanadkan oo qodobaddii laga soo saaray ay ku jirtay inay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda.

Maalinta beri ah ayaa lagu wada in War murtiyeed dhamaystiran laga soo saaro wada hadalkan dhex maray wufuuda ka socota Somaliland iyo Somalia.

SLpost News