Shirkii Shalay ee Soomaalida iyo Doorka Somaliland kaga qayb-qaadatay markii ugu horreysay

London, 24 February, (SLpost)- Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxu shalay ka qayb galay shir lagu qabtay magaalada London ee Waddanka Ingiriiska. Shirkan waxa ka qayb galay 54 Waddan iyo Hayadaha Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Africa. Shirka waxa furay Prime Ministerka Waddanka Ingiriiska, waxa kale oo ka hadlay Hillary Clinton, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka, waxa kale oo ka hadlay Ban Ki-moon oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Intaa ka dib waxa hadlay dhamaan 50kii Waddan ee ka soo qayb galay. Madxwaynaha Somaliland wuxu halkaa ka jeediyay qudbad, wuxu u sheegay madaxdii shirka fadhiday inaan nabada Somalida loo raadinayaa aanay ku imanaynin nidaam lagu khasbo dawlad dhexe oo caalamku u soo dhiso, ee sidii aanu anaguba samaysanay ay ku imanayso marka hoosta laga soo dhiso, taasaa nabad waarta Somaliya u keenaysa. Madaxwayne Silaanyo wuxu intaa ku daray in Somaliland oo la ictiraafaana ay wax ka tarayso nabad gelyada Somaliya.

Somaliland waxay go’aansatay in madaxnimadeeda iyo qaranimadeeda la soo noqoto oo ku ekaato xuduudihii jiray 1960. Anagu waxanu nahay dawlad dimuqraadi ah, waxa aanu samaynay waxa shicibkayagu doortay, meel looga soo noqonaayaana ma jirto, waxa aanu ku soconaa rabitaanka shicibkayaga. Madaxwaynuhu wuxu caalamka ka waydiistay inay keenaan wada hadalkii lagu soo dhowayn lahaa aqoonsiga Somaliland. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinkii Somaliland qabsatay 20kii sannadood ee la soo dhaafay.

Somalilandpost.net

Hargeysa NewsDesk