Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo la mudeeyay.

????????????????????????????????????

 

Hargeysa(Slpost)-Waxa baryahanba bulshadu falanqaynaysay xisbiga Kulmiye iyo goorta uu qabsan doono Shirkiisa golaha dhexe, waxa sidoo kale bulshadu hadal haysay qofka uu noqon doono musharaxa xisbigu.

Haddaba, shir ay maanta isugu yimaadeen Masuuliyiinta ugu sareysa xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda oo ay hogaaminayo madaxweynaha JSL iyo madaxweyne ku xigeenku, ayaa waxa ka soo baxay ama lagaga hadlay qodobo dhawr ah oo uu ka mid yahay mudaynta shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

10 ka November 2015, ayaa loo qoondeeyay in uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Waxa kale oo nuxurka shirka ka soo baxay lagu sheegay; “Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arimaha kor ku xusan, kadibna go’aamiyaan waqtiga ku haboon ee shirku qabsoomayo”.

Si kasta oo ay tahay xibiga Kulmiye ayaa laga soo sheegayaa gudihiisa in uu ka socdo xafiiltan weyn oo ah qofka musharaxa xisbiga noqon doonaa qofka uu yahay.

Somalilandpost waxa ay goor dhaw idiin soo gudbin doontaa waxyaabaha kale ee shirka ka soo baxay iyo waxa ka soo kordha isla arintan shirka.