Hargeysa (SLpost)- Shirka HOODAALE ee Beelaha Sacad Muuse uga socday Degmada Agabar ee Gobolka Gabilay, ayaa maanta si rasmi ah loo soo af-meeray, waxaana gunaanadkiisa laga soo saaray siddeed qodobbo oo xambaarsan talooyin, mawqifka beesha iyo Xoojinta nabad-gelyada dalka.
Qodobbada Shirka laga soo saaray, ayaa u dhignaa sidan:
Shirka Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse, 26/09/2013
Madasha Agabar
Midnimo-wadajir- Iskaashi
Tirada Beelaha Sacad Muuse = 12
Tirada Ergooyinka = 750
Shirguddoonka Shirka = 11 xubnood
Baaq, Taageero iyo Talo soo jeedin:-
1. Shirweynaha Beelaha Sacad Muuse wuxuu si buuxda u garab taagan yahay jiritaanka Somaliland
2. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero siinayaa Halganka ka midho-dhalinta Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland
3. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa Hogaanka Dawladnimo iyo Hab-raaca Doorashooyinka ee uu ku qotomo dhismaha Qaranka Somaliland
4. Shirka Beelaha Sacad Muuse waxa Saldhig u ah adkaynta Nabadgelyada
5.Shirweynaha Beelaha Sacad muuse wuxuu ku baaqayaa in wixii khilaafaad ah lagu dhameeyo wadahadal iyo is af-garad
6. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu xoojinaya wada noolaanshaha iyo is dhex-galka beelaha Somaliland ee walaalaha ah gaar ahaana Beelaha Ood-wadaagta ah
7. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu soo jeedinayaa Da’yarta iyagu iska leh mustaqbalka dalka inay ka waantoobaan Halaaga Tahriibka
8. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in arrinta Ceel bardaale lagu dhameeyo Wadahadal, Nabadgelyo iyo sifo sharci ah.
9. Waxa shirka Beelaha Sacad Muuse lagu dhisay Guddi Horumarineed oo u adeegi doonta Horumarinta Beesha
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net