Shirkii Baligacad Uga Socday Cali Khaliif iyo Kooxdiisa Oo La Filaaya Inay Go’aamo Ka Soo Baxaan

 

Baligacad(SLpost)-Shirkii Khaatumo uga Socday tuulada Baligacad ayaa ku dhaw gabogabo waxaana la filayaa inay ka soo baxaan go’aanadii loo qabtay shirkaasi inay ka soo baxaan.

Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay shirkaas iyo waxay ka doonayaan isaga oo ku cawday inay nabad ilaalin doonaan, waxaana hadalkiisa ka mid ah “Waxaanu shirkan rajaynaynaa inay ka soo baxaan go’aano dadka Khaatumo oo dhibaatooyin Somaliya aan meelkale ka taagnayan ay haystaan, dhibaatooyinkaas oo ay dad Soomaaliyeed oo daris ay la yihiin ay ku hayaan, waxaanu rajaynaynaa in go’aano wax ku ool ah ay shirkan ka soo bixi doonaan, waxa ugu roon arinka nabada, mana aha Khaatumo gudaheeda ee umadda dariska la’la yahay, geeska Afrika la’la leeyahay iyo Afrikoo dhanba oo ay fidnooyin ka socdaan.”

Inta badan shirarka noocan ah ee uu qabto Cali Khaliif Galaydh ayaa u badan ku deegaanadaas ku keena xasilooni daro iyo dagaalo, waxaana waktigan loo dheg taagayaa go’aanada ka soo baxa shirkaas.