Shirkadda Xayaysiisyada ee ASAL oo kaalin mug leh ka qaadatay kor-u-qaadista bilicda shirweynihii WADDANI

Hargeysa, 09 April, 2012 (Ogaal)– Shirkadda daabacaadda xayaysiisyada ee ASAL ayaa qayb-libaax ka qaadatay kor-u-qaadista bilicda astaanta wadareed iyo agaasinka shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka WADDANI, iyada oo adeegyo xirfadi ku lammaan tahay kaga qaybgalay madashii shirweynaha 1aad ee ururkan.

Maamulaha guud ee Shirkadda daabacaadda ASAL Md. Farxaan Faarax Aadan oo warbaahinta u warramayay ayaa sheegay in shirkaddiisu fidiso adeegga ugu ballaadhan ee daabacaadaha dalka, isla markaasna ay ka qayb-qaadato kor u qaadista muuqaalka hay’adaha ganacsiga, ururrada, laamaha dawladda iyo mashaariicda qof ahaaneed iyo wixii la mid ah.

“Shirkadda daabacaadda xayaysiisyada ee ASAL, waxay khibrad badan u leedahay hab-sami u agaasinka munaasibadaha kala duwan,” ayuu yidhi Md. Farxaan, isaga oo xusay in ay ururrada kale iyo guud ahaanba cid kasta oo xayaysiis u baahan ay u fidin doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Maamulaha Guud ee ASAL, Md. Farxaan Faarax Aadan waxa uu sheegay in shirkaddoodu tahay shirkad ganacsi, isla markaasna ay dhiirrigelinayaan tallaabo kasta oo wax ka taraysa horumarka iyo geeddi-socodka ummadeed ee reer Somaliland.

“Annagu waxaannu nahay hay’ad ganacsi, haddii aannu sidan quruxda badan ee la wada majeertay ugu adeegnay ururkan (WADDANI)
, macnuhu maaha, inaannu urur siyaasadeed ama siyaasadba ku jirno, cid kasta oo noo timaadda, urur kasta, xisbi kasta, iyo cid kasta oo xayaysiis u baahanba waannu u adeegaynaa oo albaabkayagu waa u furan yahay.” ayuu yidhi maamulaha shirkadda daabacaadda ASAL, waxaanu intaas ku daray, “Laakiin waa inay buuxiyaan shuruudaha ganacsi, kuwa dhaqan, caqiido iyo himilooyinka ummadeed intaba”.

Shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka WADDANI oo maanta lagu soo gunaanaday Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid bilicdiisa iyo hannaankiisa kaleba aad looga shaqeeyay, isla markaasna ay shirkadda ASAL si bilcoon uga shaqaysay iyada oo kaashanaysa adeegyadeeda boodhadhka, stickers-ka, kaadhadhka aqoonsiga, calamada iyo guud ahaanba hababka xayaysiis ee ay ku shaqeeyaan.

SOMALILANPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net