Shirkadda Xawiladda Lacagaha ee WORLDREMIT oo Is-ballaadhisay iyo Xog-warranka Maamulaha Guud oo Xarun cusub ka daah-furay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Adeegga Xawiladda Lacagaha ee Nidaamka Electronika ah ee WORLDREMIT, ayaa markii u horeysay xafiis ballaadhan ka furatay magaalada Hargeysa.

Shirkadda WorldRemit oo xawiladda lacagaha laysugu diro telefoonnada gacanta, ayaa ka shaqaysa guud ahaan caalamka oo dhan oo laga adeegsado, waxaana iska leh oo shirkadda aasaasay muwaadin u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed.

Ganacsade Ismaaciil Axmed oo Saxaafadda la hadlay xilli uu maanta daah-furayey xarunta shirkadda ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in shirkaddoodu bixinayso adeeg xawaaladeed oo uu ku tilmamay kii ugu fududaa ee ay shacabka Somaliland helaan.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE