Shirkadda Xawilaadda Lacagaha ee QARAN EXPRESS oo Albaabada loo laabay (Akhriso Shaacinta)

 Hargeysa, 18 February, 2012 (SLpost)- Shirkadda xawilaadda lacagaha ee Qaran Express oo ka mid ahayd shirkadaha ugu caansan ee ka shaqeeya adeegga xawilaadda lacagaha isla-markaana xafiisyo ku lahayd inta badan wadamada dunida ayaa albaabada loo laabay.

Warsaxaafaded uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha shirkadda Qaran Express Cabdiqaadir Xaashi Jimcaale ayaa lagu sheegay in shirkadu go’aansatay inay joojiso guud ahaan adeegyadii xawilaada lacagaha ee ay u haysay shacabka Soomaliyeed, kadib markii, sida uu sheegay, shirkadda ay soo food-saartay xaalad culus oo dhaqaale la’aaneed.

Nuxurka warsaxaafadeedka lagu ayaa u dhignaa sidan:

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net