Shirkadda TELESOM oo door muhiim ah ka Qaadatay Mashruuc markii Afraad lagu maalgelinayo Ganacsato Dhalinyaro ah

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM, ayaa mar kale door muhiim ah ka qaadatay wejiga Afraad ee mashruuc lagu maal-gelinayo Dhalinyarada hal-abuurka ganacsi ee bilowga ah la yimaadda ee Somaliland, kaas oo fulinayso shirkad lagu magacaabo Innovate Venture oo kaashanaysa haya’dda Oxfam.

Mashruuca oo sannadkii Afraad maraya, ayaa bilowgiisa maanta lagu daah-furay munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay masuuliyiin ka socota shirkadda Innovate Venture, hay’adda Oxfam, shirkadda Telesom iyo dadweyne tiro badan.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE