Shirkadda TELESOM oo Caawa joojinaysa Adeegga Isku-beddelka Lacagaha ee Mobilka

Hargeysa (SLpost) Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom,  ayaa shaaca ka qaadday inay joojisay Adeegga Isku-beddelka Lacagaha ee Mobilka wixii ka dambeeya 12:00AM saqda dhexe ee caawa oo ay ku eeg tahay muddo shan cisho ah oo shirkaddu u qabatay macaamiisheeda. 

Shirkadda Telesom ayaa go’aankan ku shaacisay shirjaraa’id oo ay maanta qabteen masuuliyiin ka tirsan shirkadda oo uu hoggaaminayey Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Cabdiwahaab Maax. 

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalkan Hoose

https://youtu.be/jnpsOTi49Z8