Shirkadda TELESOM oo $20,000 Ugu Deeqday Dhismaha Waddada Isku Xidha Berbera iyo Raari-buur

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ka qayb-qaadatay dhismaha waddada isku xidha Berbera ilaa Raari-buur. Shirkadda Telesom ayaa waddadan kaga qayb-qaadatay deeq lacageed oo dhan $20,000.

Dhismaha Waddadan oo cabirkeedu dhan yahay 142km waxaa ku bixi doona kharash lagu qiyaasay $1 milyan oo dollar waxaana iska kaashanaya Bulshadda deegaanka, Dawladda Somaliland, maamulka gobolka Saaxil, shirkadda Telesom iyo ganacsato kale oo badan.

Waddada-berberaMashruuca dhismaha waddadan oo socday in muddo ah ayaa si rasmi ah u bilaabmay bishii November 2013, waxaana ilaa hadda la dhamaystiray qiyaastii 50km.

Shirkadda Telesom oo markasta u heelan in si mug leh ugu qayb qaadato mashaariicda horumarka dalka waxay wajigan koobaad ee mashruucan kaga qayb-qaadatay $20,000. Munaasibada gudoonsiinta lacagtan oo ka dhacday xarunta Guud ee Telesom waxaa lacagtaasi la gudoonsiiyey guddida dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur.

cabdisalaanAgaasimaha Gacansiga ee Shirkadda Telesom, Md. Cabdisalaan Ismaacil Nuur, ayaa mahadnaq u soo jeediyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ka qaybqaadanaaya mashruucan dhismaha waddada iyo waxa ay shirkadda Telesom kaga qaybgalayso mashruucan, isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Waxaynu maanta iskugu nimid in aanu ku wareejino guddida dhismaha waddada Berbera ilaa Raari-buur oo runtii shaqo weyn soo qabtay lacag qadarkeedu yahay $20,000 oo shirkadda Telesom ugu talo gashay in ay kaga qayb-gasho qaybta hore ee mashruuca dhisidda waddada. Waxaa maanta halkan nala fadhiya oo aan gudoonsiinaynaa deeqdaa lacageed guddida is abaabusay ee bulshadda ka mid ah. Waxaan run ahaantii u mahad celin lahaa dhamaan ciddii isku hawshay hawshan runtii khayriga ah ee umadda oo dhami wadda leedahay ee khayriga ah ka qaybgashay, waxaan u mahad celin lahaa dhamaan shirkaddihii, dawladda, hay’addaha iyo cidkasta oo is abaabushay oo khayrkaasi ka qayb-gashay ”.

Md. Cabdisalaan Ismaacil ayaa u mahadnaqay shirkadihii, bulshadda iyo dawladda Somaliland ee iska kaashaday dhismaha waddan weyn laga hirgalinaayo deegaanka u dhexeeya Berbera ilaa Raari-buur.

Maxamed Axmed Faarax (Fool) oo ka mid ah guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay deeqdan ay shirkadu ugu deeqday waddada waxaanu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom tixgalinta iyo deeqdan $20,000 ee ay ugu deeqday waddadaas shirkadduna tani maaha mid ku cusub qaybaha ay ka qaadato horumarka dalka, waa wax runtii cid walba u ogsoon tahay”. Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Fool.

Cumar Xasan Yawlac oo isna ku hadlaayey afka guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raaribuur ayaa yidhi, “Shirkadda Telesom oo hormuud ka ah inta badan waxqabadka dalka iyo horumarka adeega loo qabanaayo bulshadda dhinac kastaba ha ahaatee sida wadooyinka iyo dhakhtaradda iyo iskuuladda iyo caruurta darbi-jiifka ah, agoonta, masaajidda iyo wixii la mid ah. Ayaa waxaanu halkan uga soo jeedinaynaa mahad aad u balaadhan iyo tixgalin aanu runtii u soo jeedinayno Company (shirkadda) waxaanan leenahay marka ugu horaysa Jazaakumulaahi khayral Jazaa”.

gudida-wadada0berberaUgu dambayntii Guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur ayaa shirkadda Telesom u soo jeediyey in aanay deeqdani noqon tii ugu dambaysay balse ay ka sidoo kale ka qaybqaadato qaybaha dambe ee Mashruuca.

Deeqdan shirkadda Telesom kaga qayb-qaadatay dhismaha waddadan Berbera ilaa Raari-buur ayaa noqonaysa tababarucaadkii labaad ee ay ilaa labadan bilood ee u dambeeyey sanadkan ee ay kaga qaybqaadato dhismaha horumarinta wadooyinka dalka.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net