Shirkadda SOMTEL oo TV-yadii ugu badnaa u fududaysay inay si toos ah u gudbiyaan Xuskii 18 May

Hargeysa (SLpost)- Doorka Shirkadda SOMTEL ee ka Qeybqaadashada sannad-guurada 21 aad ee 18 May 2012, ayaa ah mid aan la halmaami karin, isla markaana muhiimaddiisa lahaa, ka dib markii ay Shirkaddu TV-yo badan u fududaysay in si toos ah looga daawado dacallada dunida Xafladaha xuska 18 May ee shalay iyo xalay lagu kala qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa iyo Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee Shirkadda SOMTEL ee magaalada Hargeysa, waxaanu warkaasi u qornaa sidan:- “Shirkadda SOMTEL oo runtii ka mid ah shirkadda ka jira wadanka khaasatan dhanka ishaadhsiinta ayaa waxa ay si mugleh uga qeybqaadatay xuskii 18 May, iyadoo shirkadu si toos ah ugu soo gudbinaysay xafladda 18 May Maalin iyo Habeenba iyadoo shirkaddu ku quudinaysay tiraba 4 TV’s SLNTV, Universal TV, SPACE CHANEL iyo HCTV. Live steaming oo Shirkadda SOMTEL oo ah shirkaddii ugu horresay ee suurtagelisa in TV-yadu u baahin karaan barnaamijyadda si  toos ah (live coverage ) oo laga daawan karo caalamka dhammaantiis.haddaynu dib ugu yara noqono  baahintii tooska ahayd ee shirkaddu ku sharaftay xafladdii 18ka May 2011iyo labadii ku xigey ee ay nasiibka u heleen hawlwadeennada xafiiska qurbajoogga Somaliland ( Somaliland Diaspora agency ) lana xidhiidhey xafladdii xagaaga iyo kii dood-cilmiyeedkii lagu qabtay jaamadda Hargeysa isla sannadkii 2011. Aan kuugu sii daro dhacdadii garoonka ciyaaraha kubadda cagta ee ALAMZEY stadium ee ku yaalla magaalada Burco iyo sida layaabka leh ee ay shirkaddu SOMTEL u muujisey awooddeeda dhinaca technology-ga  casriga ah siiba Internet-ka iyadoo shirkaddu ku guulaysatey in ay si toos ah u quudiso tiraba afar TV iyo weliba Radio Hargeysa kuwaas oo isku waqti tebinaya geeddi-socodka ciyaaraha gobollada Somaliland.

Shirkada somtel waxay soo bandhigi doontaa live streaming maalinta 18 may 2012 ka, waxayna ku soo bandhigi doontaa  beerta xoriyadda iyo madaxtooyadda.shirkadda oo adeegsanaysa  qalab casri ah iyo Engineer aqoon sare u leh waxay ku balan qaadayaan in ay maalinta iyo habeenka 18 may dadka dibadda jooga iyo guduhuba ay daawan doonaan si aan kala go.lahayn bandhigii 18 may oo ka dhici doonta caasimadda Somaliland Hargiesa .

1.Maalinimadka 18 may shirkada somtel waxay u fududeysay live streaming (Daawasho toos ah) Somaliland National Television (SLNTV) iyo Universal TV goobtuna waa Beerta xorriyadda.

2.Habeenimadka 18 may waxay shirkadda SOMTEL u fududeentoontaa live streaming Somaliland National TV( SLNTV), Horn cable TV( HCTV) S 24 TV iyo Universal TV goobtuna waa Madaxtooyadda Somaliland, dhanka kalena shirkaddu SOMTEL waxa ay si toos ah uga soo tabinaysa Hawsha Live streaming-ka Goboladda Somaliland.”

SLpost News/Hargeysa