Shirkadda SOMTEL oo Samaysay qiimo-dhimistii ugu ballaadhnayd ee Dhinaca Isticmaalka Tilifoonnada

Hargeysa (SLpost)-Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel ayaa samaysay qiime-dhimistii ugu ballaadhnayd ee telefoonnada, waxaanay taasi ka dambeysay markii ay maamulka shirkaddu garteen inay il-raxmadeed hoos ugu eegaan baahiyaha bulshada isticmaala adeegayada xagga telefoonnada ee Shirkadda Somtel.

Qiimo-dhimista ay shirkadda Somtel samaysay waxay gaar u tahay oo kaliya khadadka Dibedda ee caalamiga ah, sida waddammada Ingiriiska, Canada, Australia, Talyaaniga  Jarmalka iyo qaar kale oo badan.

Madaxa Iibka iyo suuq-geynta Shirkadda Somtel Cabdinaasir Xaaji Saleebaan oo maanta warbaaihita kula hadlayey Xarunta Shirkadda ee magaalada Hargeysa, isaga oo ay hareero fadhiyaan Saraakiil sarsare oo ka tirsan Shirkadda Somtel oo ay ka mid ahaayeen ku xigeenka Iibka iyo suuq-geynta Axmed Nuux Siciid, madaxa xidhiidka dadweynaha Cabdinaasir Cawad Muuse iyo Engineerro isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Cabdinaasir Saleebaan oo shirkaasi jaraa’id ka ka hadlayey waxa uu yidhi; “Aniga oo ku hadlay magaca Shirkadda Somtel maanta oo ay taariikhdu tahay 21kii 4/2012 waxaanu bulshada reer Somliland  ugu bushaaraynaynaa inaanu ka shirkad ahaan u samaynay qiime dhimisii ugu ballaadhnayd oo aanay jirin shirkad kale oo hirey ugu dhiiratay inu ku dhaqaaqdo qiime dhimis intaa leg. Sidioo kale waxaanu maanta halkan [xafiiskiisa] kaga dhawaaqaynaa qiime dhis balaadhan oo aanu ku samaynay Telefoonada shirkadda waxaanand ogtihiin inay Somtel tahay shirkadii ugu horeysay ee dalka ka samaysa qiime dhis ay bulshadu ku faraxdo.”

“Waxaannu ku bilawnay markii ugu horreysay  inaannu halkii Dollar ee dalka dibaddiisa ah ka dhigay 12 Daqiiqo halka aanu gudahana ka dhignay 300 oo daqiiqadood halkii Dollar. Iyada oo ay intaasi oo dhami horey u jirtay ayaanu maantana doonaynaa inaanu dadweynaha u sii jabino Telefoonadii dibadda ay kula hadlijireen eheladooda iyo asxaabtooda.” ayu intaa ku daray Cabdinaasir Saleebaan.

Madaxa Iibka iyo suuq-geynta Somtel Cabdinaasir waxa uu sheegay halkii ay markii hoore dadku dibadaha ku la hadlijreen 12 Dollar halkii Dollar inay hadda shirkaddu ka dhigtay 20 daqiiqo halkii Dollar isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Maanta waxaannu dadweynaha ugu bushaaraynaynaa halkii Dollar inay dibadaha ku la hadlikaraan 20 daqiiqadood.”

Mr Saleebeen waxa uu halkaa ka tiriyey magacyada waddamada ay khusayso qiime dhimistaasi waxaanay kala yihiin sidan hoos ku qoran sidan: “1-Australia, 2-Spain, 3-Italy, 4-France, 5-Noraway, 6-Uk, 7-Finland, 8-Portuqal, 9-Ierland, 10-Trkish, 11-Biljume, 12-Rassia, 13-South Africa, 14-Egypty, 15-Pakistan, 16-Germeny, 17-Newziland, 18-Denmark, 19-Holland, 20-Sweden, 21-China, 22-Malesia, 23-India, 24- Thiland, 25-Iran.”

Madaxa Iibka iyo suuq-geynta ee Shirkdda Somtel Cabdinaasir Xaaji Saleebaan waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Halkii ay qiime dhimistayadu ka hayd laga bilaabo 6da fiidnimo ilaa 6da subaxnomo hadda waxaanu ka dhignay 24 saacadood oo $20 daqiiqadood ah halkii Dollar annaga oo danaynayna duruufaha dhaqaale ee  macaamiishayada is ticmaasha ageegga Telefoonada ee Somtel.”

Intaa ka dib madaxa Iibka iyo suuq-geynta ayey Warbaahintu waxay weydiiyeen maaddaama ay markii hore-ba Somtel ahayd shirakdda ugu jaban xagga adeeggyada Telefoonnada sababta ay haddana mar kale ugu dhaqaaqeen qiimo-dhimista intaa leeg waxaanu ku jawaabay; “Waxaad ogtahay marka horaba inay Somtel tahay shirkadda ugu qiimaha hoosaysa shirkadaha kale ee isgaadhsiinta dalka ka jira dalka iyo dibadiisaba hadana sidaa ay tahay waxaanu kale jeclaysanay inaanu  qiimahaasi dib ugu noqono anaga oo eegeyna danta dadweymaha tabaalaysan maadaama aanu bulshada marar badan u sheegnay inaanu ka shaqaynayno danahooda iyo sidii ay jeebadahooda u madhxinsan lahaayeen.” Waxaanu xusay inay mar walba Somtel jeceshay inay soo dhawayso macaamiisheeda, isla markaana raalligelin badan siiso bulshada ay u adeegto.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net