Shirkadda SOMTEL oo Daamur ugu deeqday Dhismaha Waddada Xaafadda DAAMI ee magaalada Hargeysa

Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL ayaa 50 foosto oo Daamur ah ugu deeqday dhismaha waddada Xaafadda Xaami ee Degmadda Gacan-libaax ee magaaladda Hargaysa.

Wareejinta deeqdan oo ay Goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax, La-taliyaha Madaxweynaha ee dadka la hayb-sooco, masuuliyiin ka socday shirkadda SOMTEL, Guddiga xaafadda Daami iyo madax dhaqameed kasoo jeeda xaafadda Daami, waxa ugu horay ka hadlay madaxa Suuq-gaynta iyo Iibka ee shirkadda SOMTEL Mr. Cabdinaasir Saleeban oo xusay ujeeddada deeqdani iyo tirada foostooyinka daamurka ah ee ay ugu deeqayaan dhamaystirka wadada xaafadda daami.

Mudane cabdinaasir waxa uu sheegay in shirkadda SOMTEL iyo shirkadda ay mataanaha yihiin ee Dahabshiil ay si weyn uga qayb qaataan horumarka bulshada isaga oo sheegay in fekerka deeqdani ku dhashay ka dib markii ay dareemeen baahida loo qabo dhamaystirka waddadani oo halbowle u ah magaaladda hargaysa.

La taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dadka la hayb-sooco Md. Barkhad Jaamac Xirsi oo isagunna madasha ka hadlay ayaa mahadnaq ballaadhan usoo jeediyay Shirkadda SOMTEL isagoo sidoo kale shacabka ugu baaqay inay shirkaduhu u kala soocnaadaan, “Waddadaasi waxay ahayd carqalad waxaanu hore ugu tagnay shirkado badan oo waxtar weyn ku leh bulshada oo aanu waxba ka waynay, shirkada SOMTEL waxay ahayd  shirkaddii ugu horaysay ee baaqayaga ka jawaabtay mudo ka yar laba wig  markaas bulshadda waxaan leeyahay shirkaduhu haydiin kala soocnaadaan,” ayuu yidhi la-taliye Barkhad Jamac.

Guddoomiyaha Degmadda Gacan-libaax Khadar Cismaan Guuleed oo ka hadlay madasha ayaa u mahadnaqay shirkadda SOMTE isaga oo ku amaanay doorka ay shirkaddu ka gaystay horumarka degmadda Gacan-libaax oo dad danyar ahi deggen yihiin.

Boqor Ahmed Iimaan Warsame oo ka hadlay munaasibaddani deeqda loogu wareejinayay guddiga Xaafadda Daami ee magaalada Hargaysa ayaa isaguna u mahadceliyay shirkada SOMTEL waxaanna hadladiisii ka mid ahaa, “aad iyo aad baan usoo dhawaynaynaa  kaalmadda deeqda ah ee 50 foosto waana shirkaddii ugu horaysay ee noogu deeqda, shirkadaha kalenna waxaan leeyahay ku dayda SOMTEL.”

Suldaan Iid Cabdilaahi Xirsi iyo afhayeenka beelaha Gabooye Kamaal Salaad Xasan oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa uga mahad-naqay shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL doorka ay kaga jirto horumarta adeegyada bulshada.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland