Shirkadda Sagaljet oo munaasibad ballaadhan ku soo Bandhigtay Buugaag Madaxda Qaranku u bogeen Aqoonta ku duugan oo Laba hablood oo dhalinyaro ahi Qoreen

Shirkadda daabacaadda Xayaysiista ee SagalJet, ayaa munaasibad ay si heer-sare ah u soo qaban-qaabisay ku soo bandhigay laba buug oo ka hadlaya Arrimaha bulshada oo ay kala qoreen laba hablood oo dhalinyaro ah, buugaagtaas oo shirkaddu daabacday.

Labada buug ee shirkaddu munaasibadda ku soo bandhigtay oo loogu wan-qalay Baadi-doon iyo Beerta Qoyska oo labaduba si qoto-dheer uga hadlaya Arrimaha Bulshada, waxa kala qoray laba hablood oo dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo Muna Axmed Cumar oo qalinka u qaadatay Baadi-doon iyo Nada Yuusuf Cumar oo qortay buugga Beerta Qoyska.

wdaMunaasibadda lagu soo bandhigay labada buug oo lagu daah-furay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qayb-galay Marwada Madaxweynaha Somaliland Mawro Aamina Maxamuud Jirde (Amina Waris), Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale,Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirkii hore Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Maamulaha Shirkadda Xayeysiiska SagalJet Mr Cabdi Yuusuf Aar, hawl-wadeenada shirkadda qaarkood, labada gabdhood ee buugaagta qoray, Haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda hadal koobankajeediyey Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda SagalJet Sacad Cabdi Daahir oo sheegay in ay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin qaban-qaabada munaasibadda lagu soo bandhigay buugaagta Laba hablood ee dhalinyarada ahi qoreen, waxaanu xusay inay shirkaddu mar walba diyaar u tahay dhiiri-gelinta da’yarta qalinleyda ah ee wax ka qora arrimaha bulshada iyo mawduucyada kale ee danta guud ku saabsan.

Labada gabdhood ee buugaagtooda la soo bandhigay, Muna Axmed Cumar iyo Nada Yuusuf Cumar, oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey micnaha ku duugan mawduucyada labada buug xambaarsan yihiin oo ku saabsan Arrimaha bulshada. Nada Yuusuf oo qortay Buugga Beerta Qoyska, ayaa sheegtay in micnaha guud ee buuggu xambaarsan yahay uu ka hadlayo Tiirarka dhismaha qoyska, duruufaha ku gedaaman qoyska xilligan iyo mawqduucyo kale oo Arrimaha qoyska ka hadlaya. Muna Axmed Cumar, ayaa buuggeeda Baadi-doon ku sheegtay mid si qoto-dheer uga hadlaya Horumarka Bulshada.

Waxa ay labada gabdhood si weyn ugu mahad-celiyeen shirkadda Daabacada Xayaysiisyada ee SagalJet oo kaalin laxaad leh ka qaadatay isla markaana ku garab-gashay soo-bandhigista labada buug oo ay sheegeen inaanay u suurto-gasheen haddii aanay dhiirri-gelin ka helin shirkadda SagalJet oo ay ku tilmaameen inay kaalin laxaad leh kaga jirto kobcinta Akhrista iyo qoraalka.

Waxa kale oo hadalkaas ka hadlay akhristeyaal buugaagtan soo akhriyey, kuwaas oo mawduucyada labada buug xambaarsan yihiin ku sifeeyey hanta dhaxal-gal ah oo bulshada wax badan ku soo kordhin kara, waxaanay labada hablood ku dhiirrigeliyeen inaanay halkaas kaga hadhin qoraalka isla markaana ay soo saaraan buugaag noocan oo kale.

Maamulaha Shirkadda SagalJet Cabdi Yuusuf Aar oo munaasibada ka hadlay, ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay ujeeddada ay shirkad ahaan ka leeyihiin taageerada dhalinyarada qalinleyda ah, gaar ahaan labada hablood ee la soo bandhigay buugaagtooda oo ay shirkaddu daabacday. Mr Cabdi Yuusuf waxa uu halkaas kaga dhaawaqay inay shirkad ahaan qaban tartan buugaag ah u qaban-doonaan bahda Qalinleyda, qofka tartankaas kaalinta koowaad ku guulaysata ay shirkaddu lacag la’aan uga dhigay daabacadda buugga.

Mr Cabdi Yuusuf Aar oo ka hadlayey doorkii ay shirkad ahaan ku lahaayeen labada buug, waxa uu yidhi, “Waxaan aad iyo aad aan u bogaadinayaa Labada Hablood ee qoray buugta halkan lagu soo bandhigay,waxaana aan leeyahay wax fiican ayaad dadkiina u samayseene hambalyo.

Umad kasta waxaa ay ku horumartaa dhaqankeeda iyo wixii ay qorteen, maahana wax baaba’aya. Doorka ay kalahayd shirkadda SagalJet soo bandhigida labadan Buug,waxaa ay ahayd markii ay labadan hablood ay noo yimaadeen ayaa waxaa aanu kala qayb qaadanay qaabkii muuqaalka buuggaasi u eekaanyo iyo waliba soo bandhigidda labada buugba, anaga oo aan wax maal iyo adduun ahna aan ka doonayn.

Waxa kale oo jirta in aanu uga gol leenahay sidii aanu u dhiiri galin lahayn dhalinyarada markaa xataa waxaanu hore uga qayb qaadanay buugaag kale oo aad u muhiim ah daabacaadoodii iyo farsamaynta qaabkii loo dhigaayey muuqaal ahaan,anagu ka SagalJet ahaan marwalba waanu ballan-qaadaynaa oo waanu barbar istaagi doonaa dadka qora buugaagta.”

“Arrinka kale ee aan idiin ku bushaaraynayaa waxa weeye in aanu qabanayno tartan dhamaanba dhalinyarada ka yar 35-jir,waxaana aan u qaban doonaa tartan ah dhamaanba cidii qortay buugaag oo aanu u saari doono gudi kala saarta,waxana aanu u saari doona gudi kala saarta oo buuga kaalinta Koowaad gala waxaanu balan qaadaynaa in aanu buugaas gabi ahaantiiba aanu bilaash ku daabaci doono,”ayuu yidhi Maamulaha SagalJet Md:Cabdi Yuusuf Aar.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Inaga oo dhiiri galinayna hablaheena qaaliga ee soo bandhigay Labadan buug aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaa, waxaa kale oo aan aad iyo aad aan ugu mahad naqayaa Shirkada SagalJet ee ka qayb-qaadatay soo bandhigiddooda oo markii lay soo bandhigay Labada buug ayaan idhi aniga ayaa qaabilaya Hoolka Maansoor,deedna waxaa laygu yidhi iska daa hawlahaas oo dhanba Shirkada SagalJet ayaa qaabishee. Intaa ka dib Labada buugba waan akhriyey oo waxaan odhan karaa labada buugba aad iyo aad ayaa ay muhiim u yihiin wax badana way ku duugan yihiin oo ah aqoon aad iyo aad u badan,waxaanan leeyahay Illaahay Labadaba ha ka abaal mariyo.”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa weedho dhiirri-gelin iyo hambalyo ah u jeediyey labada gabdhood ee buugaagta qoray, waxaanu yidhi, “Aad iyo aad ayaan idiin ku hambalyeynayaa sida fiican ee aad uga gun-gaadheen hadafkiinii iyo himiladiinii, Insha Allaah waxaan Illaahay idiin ka rajaynayaa in aad noloshiina aad meel fiican ka gaadhaan. Waxaad mooddaa marka ay tilmaanta ina siisay Inanta qortay buuga Beerta Qoyska ee ay sheegtay in aanay helin meel ay ka soo xigato, waxaan leeyahay waxaa aynu nahay mujtamac aad uga gaabinaya in ay wax qabsadaan. Waxaan hablaha ku bogaadinayaa hawl karnimada ay la yimaadeen.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay oo weedho dhiirri-gelin iyo bogaadin ah uga jeediyey labada gabadhood iyo dhalinyarada Qalinleyda ahba Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde iyo Wasiirka Wasaaradda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo labada qoraa ee buugaagta soo bandhigay. Sidoo kale, Marwada iyo Wasiirku waxa ay taageeradeeda ku bogaadiyeen shirkadda SagalJet oo ay ku tilmaameen shirkad dhiirri-galisa dhalinta jecel inay Hibadooda Qoraalka soo bandhigaan.

SOMALILANDPOST.NET