Shirkadda RIO Architects oo door weyn ka qaaddatay Dhismaha Masaajid Casri ah oo Hargeysa laga hirgeliyey iyo Kaalinta ay ka geysato Horumarka dalka

“Wax la Naqshadeeyo iyo wax laga shaqeeyo waxa ugu qaalisan Baydka Ilaahay,” Warfaa Maxamed Xaaji

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dhismaha iyo Naqshadaha ee RIO Architects, ayaa lagu ammaanay naqshad casri ah oo ay u samaysay Masaajid Daarul-Iimaan oo laga hirgeliyey Xaafadda Jigjiga Yare ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhismihiisa dhowaan la dhammeystiray.

masjidka2

Shirkadda RIO Architects oo ka shaqaysa Naqshadaynta iyo La-talinta Farsamada Dhismayaasha, ayaa masaajidka ugu tabarucday isla markaana si bilaash ugu samaysay naqshadda dhismihiisa oo nooceedu ku cusub yahay dalka.

 

Munaasibad furitaanka Dhismaha Masaajidka oo gudihiisa loogu qabtay, waxa ka qayb-galay isla markaana ka hadlay Wasiirka Diinta & Aw-qaafta Somaliland, Iimaamka Masaajidka, Maamulka shirkadda RIO Architects iyo Shirkaddii Fulisay Dhismaha Masaajidka.

masaajid

Iimaamka Masjidka Daarul-Iimaan Sheekh Axmed Iid Cabdisalaan oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa ku ammaanay shirkadda RIO Artchitects doorka ay ka qaadatay Qurxinta Dhismaha Masaajidka oo qaabka loo farsameeyey Naqshaddiisu ku cusub tahay guud ahaan Somaliland.

Sheekh Axmed id

“Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadda RIO ee ku takhasustay Naqshadaha iyo qaabka quruxda badan ee Masaajiddada iyo meelaha kaleba loo dhiso. Shirkadda RIO oo runtii ay hawl-wadeenno ka yihiin da’yarteennii iyo dhalinyarteenii gudaha iyo dibaddaba wax ku soo baratay, runtii aad baan ugu mahad-naqayaa, waayo naqshaddaas quruxda badan eed arkaysaan iyagoon lacag naga weydiin ayey keeneen oo waliba ay ku kormeerayeen oo daba-taagnaayeen maalintii la bilaabay ilaa maalintii furaha lanagu soo wareejinayay,” Sidaas waxa yidhi Sheekh Axmed Iid Cabdisalaan oo shirkadda iyo masuuliyiinteeda ugu duceeyey Eebbe inuu ka abaalmariyo Aqoontooda ay ugu tabaruceen Guriga Illaahay.

Warfaa

Warfaa Maxamed Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Masuuliyiinta sare-sare ee Shirkadda oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey geeddi-socodkii uu soo maray iyo Juhdigii ay geliyeen doorkooda naqshadaynta Dhismaha Masjidka.

 

“Shalay uunbay markii aanu ka shaqaynaynay Riyadan hirgashay ee aynu maanta markhaatiga ka nahay. Dhismahaa quruxda badan leh siduu u ekaan lahaa iyo sidaanu naqshadda u samayn lahayn, shalay uunbay ahayd markii aanu ka shaqaynaynay, maantana isagoo rumoobay ayaynu dhex-joognaa waana wax Illaahay loogu mahad-naqo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Warfaa Maxamed, waxaanu halkaas uga mahad-celiyey Guddiga Masaajidka oo uu ii sheegay inay fahamsanayeen muhiimadda ay leedahay dejinta Naqshadda iyo Qaabka uu u ekaanayo Masjidku ka hor inta aanu dhismihiisa la bilaabin.

Warfaa
“Waxaad aad ugu mahad-naqayaa Guddiga Masaajidka Sheekh Axmed Iid, Sheekh Cabdilaahi Xaaji iyo dhammaan Guddiga Masaajidka oo fahamsanaa qiimaha ay leedahay in masaajidka loo sameeyo nashqad casri ah oo habaysan iyo inuu masaajidku lahaado Cid La talisa oo Kormeer ku samaysa inta dhismuhu socdo. Taasna waxa noo sahlay annaga oo aad uga wada-shaqaynay inuu masaajidku noqdo masaajid Casri ah, waafaqsanna shuruudihii laga heli lahaa Masaajid noociisa ah. Wax la dhiso, wax la Naqshadeeyo iyo wax laga shaqeeyo waxa ugu qaalisan Baydka Ilaahay,” Sidaas ayuu Warfaa Maxamed Xaaji Maxamuud.

 

Shirkadda RIO Architects oo Xarunteeda Guud tahay magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ah Shirkado faro-ku-tiris ah oo bulshada uga faa’ideeya Adeegyo noocoodu ku cusub yahay dalka,  waxaaana adeegyada ay bixiyaan ugu muhiimsan Naqshadaynta qaab-dhismeedka Dhismayaasha (Architects), Naqshadaha Qurxinta Gudaha iyo Dibadda dhismayaasha (Land Scape and Interior Design), Dejinta Farsamada Dhismaha (Structural Engineering) iyo sidoo kale Talo-binta iyo Kormeerka Dhismaha (Construction Administration).    

 

Shirkaddan ayaa gobollada iyo degmooyinka dalka ka fulisay mashaariic tiro badan oo wax-qabadkooda iyo tayadooda lagu majeertay, waxaanay isugu jiraan Dhismayaal Ganacsi, kuwo Dowladeed, Cusbitaallo, goobo Waxbarasho iyo Xafiisyo ku kala yaalla dhowr gobol oo ka tirsan gobollada Dalka.

 

Sawirrada Qaybo ka mid ah Mashaariicda ay Dalka ka fulisay shirkadda RIO Architects

Laascaanood Academy
Laascaanood Academy

 

Osob mall
Osob mall

 

Horyaal Hospital
Horyaal Hospital

 

Gacanta Mall
Gacanta Mall

 

Ministry of Energy, Somaliland
Ministry of Energy, Somaliland