Shirkadda Microsoft Oo Samaysay Koombuyuutar Gacmeed Aad u Tayo Badan oo Ay U Bixisay Surface Book

Shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa markii ugu horreysay soo saartay Kombiyuutar gacanta lagu qaato oo ay iyadu samaysay, uguna wan-qashay magaca Surface Book Pro waxa aanay ku faantay in Laptop kan ay soo saartay uu leeyahay awood aad u badan iyo hawl-gudasho ka fiican dhammaan Kombiyuutarrada (Laptop) gacanta ee shirkadaha kala duwan ee dunidu soo saaraan, gaar ahaan Kombiyuutarka inta la og yahay hadda ugu fiican ee MacBook Pro oo ay soo saarto shirkadda ay aadka u tartamaan ee Apple.

Shirkadda Microsoft waxa ay sheegtay in tilmaamaha iyo wanaagga xad dhaafka ah ee tayada iyo habsami u shaqaynta kombiyuutarkani ay ka dhigayso in uu noqdo Laptop ka keliya ee jira, wanaagga ay u tirisayna waxaa ka mid ah in aanu ahayn Laptop keliya, balse uu sidoo kale noqonayo Tablet ay u bixisay Sufrace Tablet oo la mid ah SAMSUMG Tablet iyo iPad ka. Waayo waxa uu leeyahay batam loogu talogalay oo marka la riixo si sahal ah u kala reebaya qaybta shaashadda iyo qaybta batamada xuruufta ee Kombiyuutarkan, taas oo fududaynaysa in marka ay labada qaybood kala hadhaan qaybta shaashadda kelideed la qaato loona isticmaalo Tablet ahaan.

SurfaceBook cabbirka shaashaddiisu waa 13.5 Inch, dhinaca awooddana RAM kiisu waa nooca Intel Core i5 iyo i7, waxa aanu qaadan karaa Kaadh xusuuseed la gelinayo oo awoodda RAM ka gaadhsiin karta illaa 16 GB.

 

Shirkadda Microsoft waxa ay sheegtay in kombiyuutarkan gacanta ee ay samaysay  uu laban-laab ka dhaqso badan yahay ka dhiggiisa ah ee MacBook Pro ah. Dhinaca kalana shirkadda Microsoft waxa ay si aad ah u ammaantay qaybta batamada xuruufta ee Kombiyuutarkeedan gacanta ee cusub oo ay sheegtay in uu leeyahay tayo samays ahaan iyo shaqo ahaaneed iyo in uu ilays batamada hoostooda ka soo ifaya oo sahlaya in Kombiyuutarkan lagu shaqayso marka meel aan ilays kale lahayn la joogo.

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in kombiyuutarka gacanta ee Surface Book uu aad khafiif u yahay, culayskiisuna dhan yahay 0.72 Giraam oo keliya, halka dhumucdiisuna ay tahay 7.7 Millimeter oo keliya, Kombiyuutarkan oo shaashaddiisu marka loo baahdo ku shaqaynayso taabashada (Touch screen) waxa uu wataa qalin loogu tala galay in shaashadda lagu qoro.

Shirkadda Microsoft oo lagu yaqaanno barnaamijyada kombiyuutarka ee ay ka mid yihiin Windows iyo Office waxa ay kombiyuutarkeedan cusub si rasmi ah suuqyada iibka u soo gelinaysa 26ka Bishan Oktoobar ee hadda aynu ku jirno, waxa aanu qiimihiisu noqon doonaa inta u dhaxaysa Kun Afar boqol iyo Sagaal iyo sagaashan Doolar ($1’499) illaa Laba Kun Lix boqol iyo sagaashan iyo sagaal doolar ($2’699).

Xigasho: Geeska