Shirkadda Korontada SOMPOWER oo iska difaacay dhaliilo loo jeediyey, kana hadlay Qaabka ay u hawl-galaan

Hargeysa (CH)- Maamulka Shirkadda Korontada SOMPOWER oo ka hawl-gala magaalada Hargeysa, ayaa iska difaacay eedo loogu jeediyey in kooto loogu xidhay bixinta Adeegga Korontada ee Caasimadda, taas oo ay ku midoobeen inta badan shirkado gaar loo leeyahay oo ka hawl-gali jiray magaalada.

Shirkadda SOMPOWER oo la aasaasay sannadkii hore kaddib markii ay midoobeen 32 shirkadood oo ka hawl-geli jiray magaalada Hargeysa , waxa eedaynta iyo dhaliisha ay ka jawaabayaan u jeeday shirkado dibadda ka ah Dalladda SOMPOWER, kuwaas oo ku dooay in xukuumaddu kooto loogu xidhay bixinta adeegga Korontada.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN.