Shirkadda Korontada Ee SOMPOWER Oo Bulshada Usoo Bandhigtay Maraaxilkii Ay Soo Martay Shirkadu Iyo Caqabadaha Ka Haysta Laydh Fidinta

Hargeysa (SLpost) – Shirkada Sompower Oo Ay Ku bahoobeen Tiro dhan 34 Shirkadood Oo yar yar oo Dalka Si gaar gaar ah ugu Shidi jiray Laydhka Ayaa Bulshada Somaliland Waxay Uga Warameen Caqabadihii kala Duwanaa ee Ay Shirkadu Soo martay iyo Duruufaha Ku Gadaamay Laydh balaadhinta Dalka.

Gudida Sare Ee Shirkada Oo maanta U Waramay Warbaahinta Ayaa Si faahfaahsan uga Waramay  Adeega Dhinaca Laydhka ee Shirkadaha Magaalada Hargeisa oo Maalmihii u danbeeyey Waxoogaa Is Maandhaaf ahi ka taagnaa waxaanay Shirkad Ahaan meel Cad Ka Istaageen In Shirkada Sompower ay tahay shirkad ku midowday Sidii Ay bulshada Somaliland ugu Gudbin lahaayeen Laydh tayo leh islamarkaana Qiimahiisu Aad uga Hooseeyo kana Jaban yahay Kii ay hore Uga Qaadi jireen Shirkadihii gaar gaarka loo lahaa ka hor intii aaney ku midoobin shirkada sompower.

Saraakiisha ugu Sareysa Shirkada Oo Faahfaahinaya Arrimahaasi Ayaa Yidhi Sidan.

Dhinaca kale Maareeyaha Shirkada Sompower Axmed Maxamed Ayaa waxaa uu Si Faahfaahsan uga Waramay Caqabadaha Ka haysta Shirkada Sompower laydh Balaadhinta Caasimada Iyadoo ay jirtay Culeys ay saartay Dawlada In Haddana lagu Eeddeeyo Waxaa Kooto loogu Xidhay laydhka.

Faahfaahinta Warkan,  ka daawo muuqaalka Hoose