Shirkadda JET Oil oo ku dhawaaqday inay ka qaybgalayso Tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera

Dubai, 02 March, 2012 (SLpost)-Maareeyaha Shirkadda JETOIL ganacsade Cawil Cawl Cabdillaahi, ayaa daboolka ka qaaday inay shirkadoodu ka qaybgelayso tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera, soona dhaweeyay go’aanka xukuummaddu ku fasaxday  Qandaraaska ay ku bixinayso.

Ganacsade  Cawil Cawl waxa uu ugu baaqay Guddida Qandaraasyada Qaranku inay dhex u noqdaan
shirkaddaha loolanka ugu jira tartanka Haamaha oo aanay cid gaara garabka saarin.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu soo saaray Maareeyaha shirkaddaas oo ku sugan magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta.

War-murtiyeedkaas oo dhammaystirana waxa uu u dhignaa sidan;  “Shirkadda JET oil waxay soo
dhawaynaysaa uguna mahadnaqaysaa xukuummadda Somaliland go’aanka ay ku fasaxday in tartan qandaraas ay ku bixinayso Kaydka Haamaha shiidaalka Berbera, taasoo aanu hore u aaminsanayn, islamarkaana aanu hore isugu daynay ka qaybgalka tartankaas, ka hor intii aan xukuummaddu u gacangelin Gudida sida ku meelgaadhka ah u soo maamulaysay.

Guddida Qandaraasyadda Qaranka waxaan ugu baaqayaa inay si cadaalad, xalaal  iyo dhexdhexaadnimmo ah ugu xaqsooraan Shirkaddaha doonaya ka-qaybgalka tartanka Haamaha Shiidaalka, oo aan cid gaara laga xigtaysan shirkadaha loolanka ugu jira.

Shirkadda Jet Oil waxay diyaar u tahay ka qaybgalka tartanka Haamaha shiidaalka Berbera, anagoo hore u keenay hawlwadeenno ka tirsan shirkadad Jet Oil oo ajaanib ah, kuwaasoo indho indhayn ku
sammaysay xaaladda haamaha, islamarkaana waxaannu dalka keenaynaa xubno kale oo ka socda shirkad ajaanib ah oo aannu ku midaysanahay tartanka Haamaha.

Shirkadda JET OIL waxay diyaar u tahay buuxinta wixii shuruudo ah ee looga baahanyahay ka-qaybgalayaasha tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera, iyadoo aanu hore ugu guulaysanay inaanu daboolno baahidii shiidaalka diyaaradaha wakhtigii kala guurka ahaa markii dalka laga
caydhiyay shirkaddii TOTAL ee hore u maamulaysay haamaha shiidaalka Berbera.

Gebogabadii, waxaan bigaadin u dirayaa xukuummadda Somaliland, xisbiyadda qaranka iyo masuulliyiinta Goleyaasha Qaranka ee ka qaybgalay shirkii London, kaasoo ay ka soo baxday natiijo farxadgelisay shacabka Somaliland, islamarkaana u soo hoysay Somaliland inay il gaara ku soo eegaan shirkadaha maalgelinta ee adduunku. ”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net