Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM Oo soo bandhigtay Adeeg Cusub Oo Lagu Magacaabo “ILA-MAQAL”

Hargeysa, 24 January, 2012 (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta TELESOM ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo la magac baxay ILA-MAQAL kaas dadka  u fududaynaya inay doortaan codka garaaciidda mobilka.

Bandhig lagu daahfuray adeeggan oo lagu qabtay xarunta guud ee  Telesom ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu sarsareysa Shirkadda.

Maamulaha qaybta horumarinta ganacsiga shirka Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo halkaa ka hadlay, ayaa waxa u si faahfaasan uga hadlay faa’idooyinka uu adeegani leeyahay, isaga oo halkaa ka akhtiyey warsaxaafadeed sharraxaad ka bixinaya wax-qabadka adeegga, kaas u dhigan sidan:

“Shirkadda Telesoma waxay ku caanbaxaday hal abuurnimo iyo in ay ku horeyso wakhti kastaba siddii bulshadda loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah , oo kaabaya horumarka nolosha.

waa shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta, adeega caanka ah ee ZAAD oo macaamiisheedda u suurta galiyay in ay macaamalaadke lacageed ku isticmaalaan moobilkoodda, wax kale oo ay shirkadda TELESOM ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta adeega Mobilka, Internetka, GPRS-ka, Adeegayadda Aqoon maal oo ka kooban warar,

Qamuus isugu turjumaya Somaliland iyo Englissh, Wikipedia, iyo Macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Haddaba kulankeenan manta wax aynu ku soo bandhigaynaa Adeeg kale oo casri ah oo xiiso badan isla markaana saamayn mug leh iyo isbadel ku yeelan doona isticmaalka mobile-da TELESOM.

Adeegan oo aanu ugu tala galney in macaamiishu kaga nastaan Codka macno daradda ah, ee Mobolka ee loo yaqaan (Ringing), kaas oo aanu ku badelnay codod faa’iido leh saameyna ku yeelanaya dhagaha macaamiisha.

Adeegan waxa aanu ugu wanqalnay “Ila Maqal” (Ringback tone): Waa adeeg dalka ku cusub oo muddadii uu tijaabadda ahaa xiisa galiyay macaamiisha, Adeegana waxa ku jirra dhawr cod oo kalla duwan

1.      Quraan

2.      Axaadiis.

3.      Nashiido

4.      Ducooyin

Mustaqabalka waxa lagu biirin doonaa barnaamijyo madadaalo iyo murti

soomaaliyeed sidda gabay, Maahamaahyo iyo xikmaddo aan xdashiin iyo

turxaan lahayn.

Sidda loo isticmaalo adeega illa maqal macaamiishu waxa ay garaacayaan Lambarka 118 ka dibna isaga ayaa ku hagaya”.

Si kastaba ha ahaatee adeegan ayaa ah mid wax weyn ka tari doona macaamiisha shirkadda Telesom.”

SOMALILANDPOST NEWS

HARGEYSA