Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel oo soo bandhigtay Adeeg cusub oo la baxay TEBIYE

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somtel, ayaa maanta soo bandhigtay Adeeg cusub oo la baxay Tebiye, kaas oo ka mid noqonaya adeegyada shirkaddu u gudbiso  Macaamiisheeda.

Adeeggan cusub ee Shirkadda Somtel soo bandhigtay oo ah mid fududaynaya in qofku si hawl yar ku heli karo qofka soo garaaca xilliyada uu Telefoonkiisu xidhan yahay iyo sidoo kale farriimaha soo gala telefonkiisa marka uu xidhan yahay ama Mashquulka yahay, ayay masuuliyiinta ugu sarreysa ee shirkaddu hirgelintiisa ka dhawaaqeen Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta shirkadda ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta shirkadda ee shirka jaraa’id qabtay oo ay ka mid ahaayeen Maareeyaha Shirkadda SOMTEL  Cawil Saalax Cabdi, Maareeye ku-xigeenka Shirkadda Axmed Cabdilaahi Caynaanshe, Madaxa Iibka iyo Suuqeynta Iid Muuse Maxamed iyo Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Cabdinaasir Cawed Muuse, ayaa waxa ay ka warrameen faa’iidada adeeggan cusub ee ay soo bandhigeen uu dadweynaha u leeyahay iyo qaabka oo isticmaalayo.

Madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Shirkadda Casriga ah ee SOMTEL l Iid Muuse Maxamed oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id, ayaa sheegay ujeeddada shirkooda jaraa’id ku micneeyey mid ay macaamiishooda ugu soo bandhigayaan adeeggan cusub ee Tebiye oo Shirkaddu ku soo kordhisay adeegyada ay siiso macaamiisheeda, isaga oo xusay in adeegan uu wax weyn ka tari doono baahiyaha dadweynaha, waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya, “Shirkan jaraa’id waxa aanu u qabanay in aanu macaamiishayada ugu soo bandhigno adeeg cusub oo la baxay Tebiye, kaas oo ah adeeg casri ah oo wax weyn ka tari doona baahiyaha macaamiisha ku xidhan Shirkadda SOMTEL.  Shirkadda SOMTEL markasta waxa ay diyaar u tahay in ay macaamiisheeda raalli-geliso oo adeegyada ay u baahan yihiin ay u soo kordhiso, markaa adeeggan cusub ee Tebiye waa mid dadka u fududnayaya in ay si hawl yar u helaan qofka ay u baahan yihiin marka uu Telefoonkoodu xidhan tahay, waxaanu marka uu furo ku sheegayaa in qofkii aad baahida weyn u qabtay Mobelkiisii furay oo aad a xidhiidhi karto, waxaan odhan kartaa waa adeeg faa’iido badan leh oo aanu ugu bushaaraynayo macaamiishayada.”

Madaxa hawl gelinta ahna Maareeye ku-xigeenka Shirkadda SOMTEL Axmed Cabdilaahi Caynaanshe oo isaguna ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id, ayaa faahfaahin ka bixiyey  wax tarka uu leeyahay adeeggan cusub ee ay soo bandhigtay Somtel, waxaanu xusay in dadweynuhu kaga nasan doonaan farriimo badan oo telefoonka ka buuxin jiray, waxaanu yidhi, “Adeeggan Tebiye waa mid cusub oo Shirkaddu in muddo ah ka soo shaqaynaysay waxaanan ugu talo-gallay macaamiishayada ku xidhan SOMTEL, waxaanu filaynaa inuu wax weyn ka qaban doono dhibaatooyin qofka ka haystay marka uu u baahan yahay ee Telefoonkiisu xidhan yahay, imika si dhib yar ayuu u helayaa oo adeeggan ayaa ku sheegaya marka uu furo qofkii aad u baahnayd, markaa waa bushaaro cusub oo aanu u soo kordhinay macaamiishayada.”

Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL Cawil Saalax Cabdi oo ugu dambayntii ka hadlay Shirkaasi jaraa’id, ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyey wax uu qabanayo adeeggan cusub iyo faa’iidada uu dadweynaha u leeyahay, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Adeeggan aanu ugu magac darnay Tebiye, waa adeeg cusub oo Shirkaddu soo kordhisay, waana mid ku sheegaya marka qof Telefoonkiisu xidhan yahay aad garaacdo ku odhanaya hebel oo aad u baahnayd, ayaa ku soo garaacay, markaa si fudud ayuu adeeggan ugu suurto-gelinayaa inaad hesho ciddii aad u baahanayd ee Mobelkiisu xidhnaa. Markaa muhiimadda uu leeyahay Adeeggan waxa ka mid ah haddii aad qof dhakhtar oo kale ah u baahan tahay oo telefoonkiisu xidhan yahay inuu markiiba kuu sheego inuu furay oo aad heli kartid. Waxa kale oo adeeggan kaa yaraynaa fariimo badan oo Telefoonkaaga buuxinayey inuu ku fududeeyo oo halkii marki qofku ku soo garaaco shan jeer oo kale aad ku arkaysay shan fariimood immika waxaad helaysaa hal farriin, haddii uu toban jeer ku soo garaacona sidan oo kale oo adeeggan ayaa ku hawl yaraynaya.”

Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel Cawil Saalax Cabdi waxa kale oo uu sheegay in Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL ay ku dedaalayso sidii ay macaamiisheeda ugu soo bandhigi lahayd adeegyo cusub oo raali geliya, isaga oo sheegay in marka ay adeegyo soo kordhinayaan in ay baadhitaan ku sameeyaan macaamiishooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net