Shirkadda Gaadiidka Xamuulka Badda ee Caalamka ugu Weyn oo Isticmaali Doonta Dekedda Berbera

 

Berbera (SLpost)- Shirkad madaxbannaan oo qaabilsan gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha badaha caalamka, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay isticmaali doonto dekedda magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda caalamiga ah ee la yidhaa X-press Feeders shalay, maraakiibta xamuulka qaada ee u diiwaangashan shirkaddaas, ayaa u kala gudbi doona, iskuna xidhaya dekedaha Berbera iyo Salalah ee dalka Cummaan, iyadoo la qorsheeyey in maraakiibka iyo doonyaha shirkaddaasi ku hakadaan dekedda Berbera.

 

“Shirkadda X-press Feeders oo ah ta ugu ballaadhan dhinaca gaadiidka badda ee caalamka, kana hawlgasha dalal badan oo adduunka, waxay bilaabaysaa adeeg cusub oo isku xidhaya dekedaha magaalooyinka Salalah iyo Berbera badhtamaha bishan October 2015.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda caalamiga ah ee X-press Feeders oo Maankaab soo xigtay xalay.

 

Mr. David Gledhill oo ah madaxa ugu sarreeya maamulka dekedda magaalada Salalah oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Holland, ayaa caddeeyey in dekedda magaalada Berbera tahay suuq muhiim ah, waxaannu yidhi; “Berbera waa suuq aad muhiim ah ugu ah qaybo badan oo ka mid ah marinnada maraakiibta ee caalamiga ah. Adeeggan cusub ee la bilaabay ee ka imanaya dekedda Salalah (dalka Cummaan) waxa uu oggolaan doonaa in maraakiibta xamuulka iyo ganacsiga ee sida xooggan u isticmaala dekedda Salalah ay waqti ku qaadan doonaan dekedda Berbera, iyadoo sidoo kale isku xidhkan cusub ee la sameeyey qayb ka qaadan doono koboca ganacsi ee u dhexeeya dekedaha magaalooyinka Berbera iyo Salalah.”

 

Dhinaca kale, Mr. Nelson Sequeira oo ah agaasime sare oo ka tirsan shirkadda X-press Feeders, ayaa isna sheegay in hawlaha maraakiibtoodu ku adeegsanayaan dekedda Berbera ay tahay muhiim weyn.

 

“Arrintani waa mid aad u muhiim ah oo ay hore ugu tallaabsadeen shirkadda X-press Feeders iyo Dekedda Salalah, taasoo qayb ka ah iskaashiga noo dhexeeya oo ah in aannu isku fidinno, iskuna ballaadhinno mandaqadda oo dhan,” ayuu yidhi. Nelson Sequeira.

 

Dekedda ku taal dalka Cummaan, gaar ahaan magaalada Salalal, waxay cidhifka ku haysaa Badweynta Hindiya, taasoo sidoo kale ku taal iska gudubka marrinnada badda ee isku xidha ganacsiga qaaradaha Yurub iyo Aasiya, waxana maamulka dekeddaas gacanta ku haysa shirkad caalami ah oo la yidhaa APM Terminals oo la leeyahay dalka Holland ee tan iyo sannadkii 1998-kii.

 

Source: Maankaab