Shirkadda FACEBOOK Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Afrika

Johannesburg, (SLpost)- Barta bulshadu ku wada xidhiidho ee FACEBOOK  ayaa la sheegay in isticmaalkiisa dadka ku nool qaaradda Afrika ay kor u kacday muddooyinkii u dambeeyay, isla markaana ay gaadheen 120 Milyan oo qof.fb

Kor u kacan bulshada Afrika ee isticmaalka FACEBOOK oo soo dedejisay in xafiis iyo xarun cusub ay shirkaddu ka samaysato magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

In shantii qofba mid ka mid ah dadka ku nool Afrika ayaa awood u leh inuu isticmaalo barta bulsho ee FACEBOOK, iyadoo laga rajaynayo in tiradaasi ay laban-laabto sannadka 2020. In ka badan 80%  oo ka mid ah dadka FACEBOOK isticmaala eek u nool Afrika ayaa ku isticmaala mobile.

“Halkani waa mid ka mid ah goobaha ay macaamishayada bilyaanaadka ah ee mstaqbalku ka iman doonaan,” sidaa waxa yidhi ku-xigeenka madaxweynaha shirkadda Facebook ee Yurub, Bariga iyoA Afrika Nicola Mendelsohn oo la hadlay Bloomberg.

Sidoo kale shirkada Facebook waxay sheegtay inay rajaynayso inay xarumo ka samaysato waddamada Senegal, Ivory Coast, Ghana, Tanzania, Rwanda, Uganda, Zambia, Mozambique iyo Ethiopia.

Somalilandpost.net