Shirkadda DP World oo $1.4 Bilyan Sannadkan ku maalgelinaysa Lix Dekedood oo BERBERA PORT ku jirto

Shirkadda DP World oo Shaacisay Faa’idada ay Ganacsigeeda ka heshay iyo Dakhliga uga Xerooday Sannadkii hore 

Dubai (SLpost)- Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka Dekedo badan oo Caalamka ah, ayaa Khamiistii dorraad shaaca ka qaadday in macaashkeedu kor ku kacay boqolkiiba todoba sannadkii 2017 oo ay faa’idday adduun dhan $1.2 Bilyan (Kun Milyan iyo laba boqol kun oo Dollar), xilli ay shirkaddu ku hawlan tahay maalgeshiyo cusub oo ay ku samaynayso Dekedo ku kala yaalla Qaaradaha adduunka, kuwaa soo saddex ka mid ahi qaaradda Afrika ku yaallaan.

somaliland, ethiopia dp worldDP World oo ah shirkadda ugu weyn ee maalgeshiga ku samaysa, gacanta ay ugu jiraan Dekedaha ugu badan caalamka, waxa kale oo ay sheegtay in dhakhligoodu kor ku kacay boqolkii 13 oo noqonaya $4.7 Bilyan (4 kun Milyan iyo todoba boqol Dollar) marka loo eego sannadkii 2016  oo dakhligooda ay ku sheegeen $4.16 Bilyan, sida ay shabakadda Somalilandpost.net ka soo xigatay wakaaladda Wararka Associated Press oo warkan baahisay Khamiistii shalay.

Shirkadda DP World oo saamiga ugu badan ay iska leedahay Dowladda imaaraadda Dubai, ayaa maalgeshi ay kor ugu qaadayso maalgeshigeeda ku samaynaysa Dekedo badan oo caalamka ku yaala, waxa ay shaacisay inay sannadkan 2018 qorshaha ugu jirto inay adduun lacageed oo dhan $1.4 Bilyan ku maalgeliso Lix Dekedood oo ku kala yaalla waddama Imaaraadka Carabta, Ecuador, Koonfurta Kuuriya, Masar, Mozambique iyo Somaliland.

In kasta oo shirkaddu sii ballaadhinayso ganacsigeeda, hadddana waxa ay dhowaan lumisay lumisay gacan-ku-haynta Dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti oo ay ku samaysay maalgeshi malaayiin Dollar, kaddib markii dowladda Jabuuti bishii February ee sannadka burisay heshiish tobanaan sanno ah oo shirkaddu gacanta ku haynaysay maamulka Dekedda, waxaanay shirkaddu tallaabadaas kaga jawaabtay inay dacwad ka dhan ah dowladda Jabuuti ka furato Maxkamad lagaga Garnaqo khilaafaadka heshiisyada Caalamiga ah oo ku taalla waddanka Ingiriiska

Go’aanka Dowladda Jabuuti, ayaa sida wakaaladdu faafisay ka dambeeyey kaddib heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Shirkadda DP World oo doonaysa inay ka faa’idaysato Ganacsiga 110 Milyan eek u nool Itoobiya oo lagu tilmaamo waddanka ugu Dhaqaalaha badan dalalka Geeska Afrika.

Dowladda Somaliland iyo Shirkadda DP World, ayaa hore u kala saxeexday Heshiiska maalgeshiga Dekedda Berbra, haseyeeshee, horaantii bishan, waxa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta heshiis kale oo saddex-geesood ah ku kala saxeexday Shirkadda Dp World, Dowladaha Somaliland iyo Itoobiya oo kala yeeshay saamiyo kala ah boqolkiiba 51, boqolkiiba 30 iyo boqolkiiba 19. Heshiiskaas oo shirkadda u saamaxaya inay muddo 30 sanno ah gacanta ku hayso maamulka dekedda Berbera, ayaa sida heshiiska ku xusan qayb ka mid ah saamigeeda ku wareejisay Dowladda Itoobiya oo boqolkiiba 95 ganacsiga ay caalamka la leedahay u soo maro Dekedda Jabuuti.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland