Shirkadda Diyaaradaha Uganda Airlines oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Somaliland

 

Kampala (SLpost)- Shirkadda Diyaaraddaha ee Uganda Airlines ayaa sheegtay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabi doonto wadamo ay ku jirto Somaliland,iyada oo diyaarad cusub kusoo kordhin doonta diyaaradeheeda bishan aynu ku jirno.

Sida ay qortay Hiiraan Online oo soo xiganaysa warbaahinta dowladda ee Uganda, Diyaaradda cusub ee shirkaddu u adeegsan doonto duullimaadda cusub oo nooceedu yahay AirBus A330neo, ayaa ahaa diyaarad cusub oo bishii December ee sannadkii hore ku soo biirtay diyaaradaha shirkadda Uganda Airlines.

Shirkadda Uganda Airlines oo shaqadeeda bilawday 28 August ee sannadkii 2019-kii ayaa duulimaadyo hore ugu tegi jirtay waddamada Kenya, Tanzania, South Sudan, Burundi iyo magaalooyinka London, Muqdisho iyo Guangzhou ee dalka Shiinaha.

Duullimaadyada ay shirkadda Uganda Airlines ka bilaabayso Hargeisa, ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan shirkado caalami ah oo danaynaya inay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland oo xilligan u muuqata inay guul wax ku-ool ah ka gaadhay xidhiidhada dibloomaasiyadeed oo beesha caalamka ay ka hesho.

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa la filayaa inay bisha March ee sannadkan duullimaadkeedii u horreeyey ka bilowdo magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net