Shirkadda Dhaweeye oo Daah-furay Adeegyo Casri ah iyo Muhiimadda ay Bulshada u leeyihiin

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda DHAWEEYE ayaa maanta daah-furay Adeegyo Cusub oo ay ku soo kordhiyeen adeegyada ay Bulshada u qabtaan, kuwaas kala ah Dhaweeye Corporate iyo Dhaweeye E-commerce.

Dhaweeye Corporate ayaa ah adeeg isku xidhaya adeegyada shirkadda Dhaweeye iyo Ganacsatada, Hay’adaha Dowladda, kuwa Caalamiga ah ama kuwa Maxalliga ah halka adeegga E-Commerce uu yahay adeeg Suuq Online ah oo macaabiishu ka dalban karaan agabka ay u baahan yihiin oo loogu geynayo goobta uu macmiilku deggen yahay.

Munaasibad loo qabtay Daah-furka Adeegyada Cusub ee shirkadda Dhaweeye oo ku qabsoontay magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay maamulka sare ee Shirkadda Dhaweeye, masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, Shaqsiyaad ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, saraakiil ka tirsan Ururrada bulshada iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Dhaweeye Farax Ayaanle Dayax Weerar oo sharraxaad ka bixisay wax-qabadka adeegyada ay shirkaddu soo kordhisay, ayaa ka xog-warantay geeddi-socod dhinaca horumarka ah oo shirkaddu ku tallaabsatay muddadii ay jirtay laga soo bilaabay sannadkii 2018-kii oo la aasaasay, waxaanay sheegtay in shirkaddu adeegyo kala duwan oo bulshadu mahadisay soo kordhiyeen muddadaas. Isla markaana ay shaqo-abuur u sameeyeen dhalinyaro tiro badan.

“Dhaweeye waxa uu maanta daah-furayaa labada adeeg oo casri ah oo aynu odhan karno waxay ku cusub yihiin dalka ama Geeska Afrika. Dhaweeye Corporate waa adeeg anfici doona ganacsatada, hay’adaha, ururrada, dowladda iyo qof kasta oo ka masuul ah shaqaale tiro badan. Waxay uga faa’idaysan karaan sidii tagsiga, laakiin wuxuu kaga duwan marka koowaad wuu ka qiimo jaban yahay, marka labaad waxaad heli kartaa Qaan-sheegtii lagu qaaday shaqaalahaaga ama adigoo kombuyuutarkaaga fadhiya ayaad halkaas ka maamuli kartaa,” sidaas ayay tidhi Farax Dayax Weerar.

Waxa kale oo ay sharraxaad ka bixisay muhiimadda uu leeyahay adeegga Dhaweeye E-Commerce oo ay sheegtay inuu yahay suuqii ugu horreeyey noociisa ee laga hirgeliyo gudaha Somaliland.

“Waa adeeg suuq casri ah oo aad ka adeegsan karto wax kasta oo aad u baahan tahay. Waa suuqii u horreeyey Somaliland ee la sameeyey, sababtoo ah waa suuq aad kaga adeegan karto wax kasta oo baahida nolosha bani’aadamka ah,” sidaas ayay tidhi, iyadoo intaas raacisay in Adeegga Dhaweeye ee barnaamijka telefoonka laga dalbado ee Dhaweeye Taxi u diga-rogtay Dhaweeye Super App oo laga helayo dhammaan adeegyada shirkaddu bixiso.

Madaxa Adeegga Dhaweeye Corporate Maxamed Aadan Ducaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in adeeggani yahay bar-kulan loogu talo-galay in hay’adaha iyo goobaha ganacsigu ka maamuli karaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalahooda isticmaalaya adeegga Taxi-ga ee dhaweeye isla markaana kula socon karaan masaafada la qaaday iyo kharashka lagu soo dallacay.

Madaxa adeegga Dhaweeye E-Commerce Cabdiwahaab Axmed Cali oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda uu leeyahay adeeggani iyo faa’idooyinka uu macaamiisha u leeyahay, waxaanu yidhi, “Hal-abuurka Dhaweeye E-commerce waa mid dalkeenna iyo dadkeenna ku xidhaya caalamka tiknoolajiyadda iyo fursadaha ganacsi ee dalka ugu jira.”

Agaasimaha ICT-ga ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Saxardiid Axmed Cali oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shirkadda Dhaweeye ku bogaadiyey adeegyada ay soo kordhiyeen iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan, isagoo xusay in shirkaddu qayb laxaad leh kaga jirto horumarka teknoolajiyadda casriga ah ee dalka.

Waxa munaasibadda ka hadlay isla markaana si weyn u soo dhaweeyey Adeegyada cusub ee shirkadda gaar ahaan Adeegga E-Commerce Madaxa Waaxda Ganacsiga ee Shirkadda SBI Group Maxamed Cabdi Qawdhan, Cabdisalaan Axmed Abraar oo ka socday Dukaanka Gob Store, madaxa Iib-geynta shirkadda SuperData Xasan Mowliid Muxumed, guddoomiye ku-xigeenka SOMGAS Siciid Xuseen Yuusuf,  Ku-xigeenka madaxa iibka ee SagalJet Axmed-Keyse Farxaan, kuwaas oo dhammaantood shirkadda ku bogaadiyey adeegyada ay soo kordhisay ee uu ugu horreeyey adeegga Dhaweeye E-commerce oo ay sheegeen inuu qayb weyn ka qaadan doono suuq-geynta badeecadaha ay iibiyaan.

“Shirkad ahaan waanu kala shaqaynaynaa Dhaweeye adeegyada ay soo kordhiyeen gaar ahaan adeegga E-commerce iyo Delivery-ga oo annaga na anfacaya,” sidaas waxa yidhi madaxa Suuq-geynta ee shirkadda Super Data Technology Xasan Mowliid Muxumed.

“Waan soo dhaweynayaa adeegga cusub ee ay shirkadda Dhaweeye soo krodhisay, Shirkaddani waxay tusaale u tahay in dhalinyaradu Ganacsiga hoggaamin karto,” sidaas waxa yidhi maamulaha shirkadda Cali Gadhle Group Mr Liibaan Cali Gadhle.

Ayaanle Cismaan oo ka socday Telesom Group, ayaa sheegay inay shirkad ahaan soo dhaweynayaan labada adeeg ee Dhaweeye daah-furay oo uu sheegay inay anfaayaan shaqaalahooda.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Mukhtar Nuux oo ka socday shirkadda SomCable, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waanu hambalyeynaynaa adeegyada cusub ee shirkadda dhaweeye soo kordhisay, waxayna runtii ka qayb-qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka,” sidaas ayuu yidhi Mukhtaar Nuux.

Raxma Yuusuf Maxamed oo ka socotay shirkadda Maama Janno Group, ayaa tilmaantay sida ay shirkadda Dhaweeye tusaale ugu tahay hal-abuurrada ganacsiyada tisqaaday ee dalka, iyadoo xustay in maamulka iyo shaqaalaha shirkadduna mudan yihiin in la dhiirrigeliyo.

Ridwaan Tukaale oo isaguna ka socday hay’adda Shaqo-doon, ayaa sheegay in adeegga Corporate yahay mid ay hay’ad ahaan aad ugu baahan yihiin isla markaana ka mid noqonayaan kuwa ugu horreeya ee isticmaalkiisa bilaabaya.

Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Cabdikarin Axmed Maxamed (Xinif) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Abdirashiid Ibraahim, ayaa shirkadda Dhaweeye ku bogaadiyey adeegyada ay bulshada u hayaan iyo kaalinta ay ka qaateen shaqo-abuurka dhalinyarada.

“Dhaweeye wax badan buu soo kordhiyey wuuna ku amaanan yahay sida inuu ilaaliyey dadka jeebkooda, wakhtigoodii iyo ammaankoodiiba. Waxa kale oo ay ka qayb-qaateen ilaalinta nabadgelyada oo shayga ugu muhiimsan ah,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha ee Somaliland.

Agaasime Cabdirashiid Ibraahim ayaa bogaadiyey shirkadda Dhaweeye, waxaanu yidhi, “Dhaweeye waxay ku ammaanan yihiin sida ay uga qayb-qaateen kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka baaxadda leh ee ay hirgeliyeen.”

Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee hay’adda HAVOYOCO Kamaal Isaaq, ayaa shirkadda Dhaweeye ku ammaanay doorka shaqo-abuurka dhalinyarada isaga oo sheegay inay shirkaddu shaqo-abuur u samaysay dhalinyaro ay ku tabobareen xirfado kala duwan.

Shirkadda Dhaweeye oo la aasaasay sannadkii 2018-kii isla markaana xilligan ka hawl-gasha inta badan deegaanada Soomaalida balse xarunteedu tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa noqotay hormuudka shirkadaha bixiya Adeegga Isku-xidhka gaadiidka dadweynaha gaar ahaan tagaasida iyo Bulshada, iyadoo qofku barnaamijka shirkadda oo Qaab Online ah ama telefoonkiisa gacanta ee Telesom ka dalbadan karo tagsi qaada ama cuntada uu u baahan yahay goobta uu joogo loogu geynayo

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net