Shirkadda Dahabshiil oo heshiis la gashay Barclays Bank oo ay kaga guulaysatay Dacwad u socotay

London (SLpost)-Shirkadda Dahabshiil iyo Bangiga Barclays Bank ee dalka Britain, ayaa si wada-jir ah u gaadhay heshiis, kaasoo meesha ka saaraya dacwaddii dhinaca Maxkmadda ee labada dhinac u dhaxaysay muddooyinkii u dambeeyey, ka dib markii uu Baankaas oo 15 sano ay Dahabshiil wada shaqaynayeen uu go’aansaday inuu joojiyo Xisaabaadkii Xawaaladaha uga furnaa.

Abdirashid Duale, CEO Dahabshiil Group of Companies (600x400)Sida ku xusan warsaxaafadeed ay Shirkadda Dahabshiil soo saaratay, qodobada heshiiskan oo ka dhacay London, waxaa ka mid ah in la helo muddo kumeel gaadh ah oo shirkadda Dahabshiil fursad loo siiyo inay  xidhiidhkii macaamil ee ay la lahayd Baanka Barclays, ay ku raadsato adeegyo kale oo u bedala macaamilkii baankaas.

Cabdirashiid Maxamed Ducaale (Dahabshiil) oo ah Agaasimaha ama Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u sheegay in hawlihii Shirkadda Dahabshiil ay si caadi ah u socon doonaan, isla markaana ay macaamiisha shirkaddu si caadi ah u heli doonaan adeegyadii ay Shirkaddu u qaban jirtay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan kula socodsiiyo Bangigaa caalamiga ah ee Barclays Bank ee waddankan Ingiriiska iyo waddammo kale-ba ku yaalla in aannu heshiis galnay, arrintaasoo daba-socotay sidaad la socoto muddo 15 sano ah baannu Bangigaas isticmaalaynay, taasoo markii ugu dambaysay aannu ku heshiinnay ama labadayada dhinacba ka timi ganacsigii aannu shan iyo tobanka sano wadnay inaannu in muddo ah sii wadno, ka dibna ay noqotay inaannu is-maca-salaamayno, markii uu Bangigaasi go’aansaday shirkado badan oo Soomaali ah iyo kuwo badan oo caalamka ku yaallaba joojiyo oo uu go’aansaday oo uu isagu danaystay inuu Baayac-mushtari kale u wareego.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha guud ee Shirkadaha DAHABSHIIL Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Maamulaha Dahabshiil oo la weydiiyey saamaynta uu heshiiskaasi ku yeelanayo Ganacsigooda lacag dirista, waxa uu yidhi; “Runtii wax is beddel ah oo uu ku samaynayaa ma jirto shaqadayadii Shirkadda Dahabshiil lagu bartay muddada dheer. Dahabshiil sidaad ka warhayso Ganacsi kala duwan bay adduunka oo dhan ka waddaa ama ha noqoto waddankan Ingiriiska ama waddamo badan oo caalamka ku yaalla, Shirkaddu waxay ku jirtaa arrimo Ganacsi, ama arrimo Bangi iyo arrimo is-gaadhsiineed, dhammaan wax iska beddelayaa ma jirto. Runtii Bangigu xidhiidhkaa shan iyo tobanka sano ah ee aannu wada wadnay markii Bangiga laftiisu uu arkay in dacwadda intaas leegi noqonayso mid muddo dheer qaadanaysa inuu kharashkii sharciga iyo dacwadda ku saabsanaa uu bixiyo, ka dibna ay noqoto Barcleys Bank-ku xidhiidhkayagii muddo lagu soo xidho.”

“Muddadaasi intay doonto ha qaadatee aannu si fiican isu maca-salaamaynaya  labadayadaba Shirkadda Dahabshiil iyo Barclays Bank oo ah laba shirkadood oo si wanaagsan isu-maca-salaamaynaya, iyadoo aanay wax dhibaato ah ama wax cillad ahi aanay ku jirin ay muddo immika aanan kuu sheegi karin ku soo koobayaan xidhiidhkoodii.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Cabdirashiid oo la weydiiyey haddiiba xidhiidhka Barclays Bank iyo Dahabshiil is-taago inay hayaan fursado kale oo suuragal ka dhigaysa inaanay is-taagin shaqadii ay Dahabshiil ee dhinaca lacag isu-gudbinta, waxa uu ku jawaabay; “Haa waannu wadaynaa xidhiidhkayaga xagga ganacsi ee dalkan Ingiriiska nooga furnaa labaatanka sano wax allaala wax iska beddelayaa ma jiro. Macmiil badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah iyo Hay’ado caalami ah oo adduunkoo dhan ka kala shaqeeya waannu la shaqaynaa, taa wax iska beddelayaana ma jiraan. Tani waxay noo furtay inaannu Bangiyo kale oo waddankan Ingiriiska ku yaalla aannu xidhiidh la yeelanno oo aannu ku leenahay Sanduuq-Xisaabeedyo (Accounts) oo shaqooyinka aannu u baahannahay noo qabta.”

“Shirkadda Dahabshiil sidaad la socoto illaa boqol iyo shan iyo konton (155) dal bay ka shaqaysaa, oo Bangiyo badan oo caalamka ku yaalla ay ka wada shaqeeyaan. Markaa, Bangiga Barclays Bank wuu ku mahadsan yahay muddada dheer ee aannu wada shaqaynaynay, waanan ku faraxsannahay inay dhammaan wixii la xidhiidha Maxkamaddaas inay bixiyaan, annaguna Bangiyada kale ee Ingiriiska ku yaalla inaannu la shaqayno, macmiishii aannu u adeegaynay ama Soomaali ha noqoto ama Ajaanib inaanay waxba iska beddelin, dhammaan dadkii Soomaalida ahaa ee waddanka gudihiisa iyo dibeddiisaba joogay ee arrimahaa naga taageeray aad baannu ugu mahad-celinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Waxa uu sheegay Maamulaha Dahabshiil in taageeradaas loo muuijyey Dahabshiil keentay inay sii wada-shaqeeyaan Baankaas oo guud ahaanba joojiyey Xisaabaadkii Xawaaladaha Soomaalida iyo kuwa caalamka ee uu qaban jiray, Cabdirashiid oo sharraxayaana waxa uu yidhi; “Taasi waxay keentay markii Baankaasi arkay taageerada Soomaalidu iyo Ajaanibkuba u hayaan Dahabshiil in markii uu Bangigaasi Xisaabihii Shirkadaha kale oo dhan xidhay uu yidhi Shirkadda DAHABSHIIL Xisaabaadkeeda xidhi maayo markay Maxkamadda iyo taageeradii dadku Dahabshiil u hayeen arkeen. Isagoo Baankaasi caalamkoo dhan ka shaqeeya oo maaliyad badan haysta inuu Xisaabaadkii Dahabshiil xidhi kari waayey, aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay.”

Mar Cabdirashiid Maxamed Siciid la weydiiyey in Hay’ado ay ka mid tahay OXFOM oo kale ay Barclays Bank ka dalbadeen inuu ka fiirsado go’aanka lagu joojinayo shaqada Dahabshiil maaddaama ay tahay Shirkad Soomaali badani ku xidhan tahay dhinaca lacag-dirista, waxaanu yidhi; “Hay’ado badan oo ay OXFM ka mid tahay iyo kuwo kale oo caalami ahiba dhammaantood Soomaalida aad bay u caawiyaan, waanan uga mahad-celinaynaa shaqada ay muujiyaan, waanan ku faraxsannahay in Bangiyo kale oo Ingiriiska joogaa shaqadii aannu hay’adahaas iyo ummadda Soomaaliyeed u haynay-ba inay naga caawinayaan. Shaqadayadana wax iska beddelayaa ma jiro.”

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Dahabshiil, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin go’aanka ay Maxkamadda Ingiriisku ka gaadhay dacwadda u dhaxaysay Barclays Bank, waxaanu yidhi; “Waan ku faraxsannahay inay Maxkamadda Ingiriisku go’aamisay in Dahabshiil uu habkiisa iyo siduu u shaqeeyaaba yihiin hab caalami ah, sharciga Ingiriiskana aannu ilaalinno, Bangiyada caalamka iyo kuwa halkan jooga ee aannu la shaqaynana waan u mahad-celinaynaa, Barclays Bank-na waan uga mahad-celinaynaa muddadaa 15-ka sano ah ee aannu sida fiican u wada shaqaynaynay, shaqadayaduna sideedii iyo si ka sii wanaagsan bay u soconaysaa.”

 

SOMALILANDPOST.NET/HARGEYSA