Shirkadda Dahabshiil (Dahabshiil Company) Waxay Soomaali ka Mudan tahay In La Siiyo Abaalmarinta (Noble Price) – W/Q: Asho Abdullahi

Taariikhda ummada afsomaliga ku hadasha iyo dadyowga saboolka ah ee ku kala firidhsan dunida dacaladeeda waxay ka marag kaceen in Shirkada caalamiga ah ee Dahabshiil fulisay sama-fal caalamiya oo dhinaca binu-aadamnimada ah waxay shirkada ugu deeqday ummada somaliyeed iyo danyarta beesha caalamkaba gargar iyo deeq aan weligeed la ilaawi doonin.

Waxay shirkadu caawisay bulsho danyar ah oo isugu jirta, masaakiin, agoon, arday, waayeel, haween, caruur ku kala nool dunida dacaladeeda. Shirkadu waxay tabarucaad ugu deeqday dadka degan meelaha ay abaaruha iyo gaajadu ku dhufteen ee geeska afrika khaasatan meelaha ay degaan dadka afsomaliga ku hadla.

Shirkada Dabshiil waxay ka qaybqaadataa si joogto ah horumarinta arrimaha Bulshada, caafimaadka, waxbarashada iyo dhamaan nolosha aasaasiga ah. Shirkadu waxay ka qayb qaadataa, iskuulada, jaamacadaha, ishgaadhsiinta iyo dhamaan wixii shacabku uga soo baahdaan.

Shirkadu waxay in ka badan 22 sano si iskaa wax u qabso ah ugu adeegeysey Bulshada somaliyeed meel kasta dunida guudkeeda ha ka deganaadeene.runtii qoraal yar laguma soo koobi karo caawimada iyo waxtarka ay binu-aadamka u fidiso Shirkada Dahabshiil.

Sidaasi darteed, shirkada Dabshiil waxay Soomaali ka mudan tahay in la siiyo Abaal-marinta caalamiga ah ee loo yaqaan abaal-marinta Nobleka (World Noble Price).

Asho Abdullahi Wadhaf
Muqdisho, Somalia