Shirkadda Cawil Cawl Oo Deeq Dhar ah gaadh siisay Cisbitaalka dhimirka ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Mulkiilaha Shirkada Cawil Cawl, ayaa maanta agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa ku wareejiyay deeq dhar ah oo loogu tallo-galay dadka xanuunadda maskaxda qaba ee cisbitaalkaasi lagu hayo kuwaasi oo tiradoodu gaadhayso 40 qof oo rag iyo dumarba leh.

Cawil Cawil waxa intii uu ku gudo jaray qeybta deeqdan dharka ah uu timaha ka xiiray raga ku jira cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Hargeysa.Waxa shirkaddani ay dadkan qof walba ugu deeqeen hal isku joog oo dhamaystiran.

Mulkiilaha shirkadan Cawil Cawl Cabdilaahi, ayaa sheegay in deeqdani aanay ahayn tii u horeysay ee ay geeyaan cisbitaalada, waxaanu tilmaamay in deeq tan la mid ah ay geeyeen cisbitaaladda Boorame iyo Berbera.

Cawil Cawl waxa uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan kaalmada ay ugu gar-gaaraan dadka xanuunada maskaxda qaba ee ku jira cisbitaalada dalka.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa u mahad celiyay shirkadan, waxaanu tilmaamay in dadkan xanuunsanayaa ay hayso baahi balaadhan oo dhinac walba ah.

Agaasimuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay shirkadan inuu ka abaal mariyo deeqdan dharkan oo ay ugu tallo-galeen dadka qaba xanuunadda maskaxda munaasibadda Ciidul fidriga darteed. waxaanu bulsho weynta Somaliland u soo jeediyay inay caawiyaan dadka xanuunsanaya ee ku jira cisbitaalka Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET