Shirkadda Apple Oo Soo Saaraysa Iphone Iyo Kombiyuutar Qorraxda Ka Qaadanaya Dabka

Washington (SLpost)- Shirkadda Maraykanka ee Apple ayaa la siiyey xaqa lahaanshiyaha curinta (Hal-abuurka) farsamo ah in unugyada tamarta qorraxda loo adeegsado in ay noqdaan qayb ka mid ah shaashadda taabashada ku shaqaysa ee talefannada casriga ah ee IPhone iyo qalabka kale ee casriga ah ee ay shirkaddu soo saarto sida IPad, Apple watch iyo MacBook oo ah kombiyuutarka gacanta lagu qaato (Laptop) ee ay shirkaddu soo saarto, kuwaas oo hadda kadib yeelan doono nidaam ku dhex samaysan shaashadda oo u saamaxaya in ay ilayska qorraxda tamar u beddelaan kadibna kaydsadaan si ay maalinta oo dhan u isticmaali karaan iyada oo aan la gelin dabka caadiga ah ee korontada.

Arrintan oo xal u noqon doonta dhibaatada dhinaca dabka ee hadda shirkadda haysata oo ah in baytaryada qalabkeedani aanay hal maalin wax ka badan haysan karin dabka. Iyada oo dhinaca kalana shirkaddu ballan qaaday in ay hal saac ku kordhin doonto cimriga dabka ee baytaryada qalabka ay hadda soo saarto iyo kuwa ay dib ka soo saari doonto labadaba.

Marka laga tago aqoosniga xaqa hal-abuurka ee shirkadda Apple loo siiyey in ay iyadu curisay farsamadan cusub ee ah in tamarta qorraxda looga faa’idaysto dabaynta qalabkan waxaa iyaduan jirta rajo weyn  oo laga qabo in ay shirkaddu wax ka beddel weyn ku samayn doonto qalabka cusub ee ay hadda soo saari doonto, dhinaca xusuusta iy dhinaca awoodda shaqo ee mishiinka labadaba.

Xigasho Geeska Afrika