Shirkadda ALNUUR Furniture oo mar kale ku Guulaysatay abaalmarinta Carwada Ganacsiga Somaliland

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda qalabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture ayaa mar kale ku guulaysatay shahaadada carwada ganacsiga Somaliland oo 7-dii illaa 11-kii July 2012 ka socotay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shahaadadan ayaa waxa shirkadda ALNUUR guddoonsiiyay qabanqaabiyayaasha carwada Ganacsiga Somaliland, iyada oo uu si toos ahna gacanta uga saaray wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md. Cabdirasaaq Khaliif.

Maamulaha guud ee shirkadda ALNUUR Furniture Md. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur ayaa saxaafadda uga warramay dareenkiisa, wax yar kaddib markii ay dhammaatay xafladdii gunaanadka carwada labaad ee ganacsiga Somaliland ee shahaadadan lagu guddoonsiiyay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha ay shirkaddayada ALNUUR Furniture ay markii labaad ka soo hoysay carwadii labaad ee ganacsiga Somaliland. Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaanba macaammiisha ALNUUR iyo gaar ahaan macaammiishii ka faa’iidaysatay fursadahii iyo qiime-dhimistii aannu fidinnay maalmihii carwadu socotay”. ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan.


Shirkadda ALNUUR Furniture oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dhaqaale ahaan taageeray qabsoomidda carwadan ayaa la sheegay in shahaadadan ay ku guulaysatay kaddib markii ay macaammiisheeda u samaysay qiime-dhimistii ugu ballaadhnayd ee abid laga hirgeliyo Somaliland.

Muddadii ay socotay carwada ganacsiga Somaliland ayay shirkadda ALNUUR waxay sidoo kale heshiis-iskaashi la saxeexatay tukaanka loogu jecelyahay maryaha dumarka ee Habboon-deeqa, iyada oo iskaashigan-ganacsina uu noqday mid wax weyn ka beddelay geeddi-socodkii carwada.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda ALNUUR ayaa sannadkii hore ku guulaysatay abaalmarinta 1aad ee shirkadda ugu wanaagsan ganacsiga Somaliland, iyada oo ay shahaadadanina ka dhigayso mid sii xejisata kaalintii hormuudnimo ee shirkaddu ku hoggaaminaysay ganacsiga dalka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net