Shirkadda ALNuuR Furniture oo ku deeqday Daammurka 2 Kiiloometer oo ka mid ah Waddada isku xidha Hargeysa iyo Sallaxley

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda agabka guryaha iyo Xafiisyada ee ALNuuR Furniture ayaa 50 foosto oo daammur ah ugu deeqday qabyo-tirka dhismaha Waddada cad ee isku-xidhaysa caasimadda Hargeysa iyo degmada Sallaxley.
Waddadan oo qaybteedii hore oo ka kooban 13 Kiiloometer uu maanta xadhigga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa dhismaheeda iska kaashaday dadweynaha iyo ganacsatada deegaankaas.
Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda ALNuuR Furniture Md. Maxamed Yuusuf Cilmi ayaa deeqdan kaga dhawaaqay xafladda maanta ee xadhigga lagaga jarayay qaybta 1aad ee dhismaha waddadan, isaga oo ka jawaabayay baaq ay guddida dhismaha Waddadu u soo jeedisay ganacsatada dalka.
“Haddii aannu nahay Shirkadda ALNuuR Furniture, waxaannu dhismaha Waddadan ku darsanaynaa 50 Foosto oo Daammur ah oo u dhiganta dhismaha 2 Kiiloomitir oo wejiga labaad ee waddadan ka mid ah. Mar kasta shirkadda ALNuuR Furniture waxay u taagan tahay ka-qaybqaadashada hawlaha horumarineed ee bulshada, taasna waannu sii wadi doonnaa” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Cilmi, madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda ALNuuR.
Maaha markii ugu horreysay ee ay shirkadda ALNuuR Furniture ka qaybqaadato hawlo horumarineed iyo kuwo samafal oo bulshada ah, hase yeeshee waxay shirkaddu marar badan oo horena kaalmo ka geysatay mashaariic ay bulshadu wada leedahay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster[at]somalilandpost.net