Shirkadaha TELESOM & GOOGLE oo adeegyo cusub si wadajir ah u bilaabaya iyo wefti ka socda shirkaddaasi oo booqday Xarunta Telesom

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Masuuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa maanta xaruntooda ku qaabilay wefti ka socda Shirkadda Google ee caanka ku ah baadigoobaha iyo adeegyada kale ee Isgaadhsiinta. Weftiga Google oo uu horkacayay Mr. Divon Lan, oo ka tirsan qaybta adeegyada Suuqyada soo koraya ee Google, waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland yimaadaan iyaga oo qorsheynaya in ay qayb ka noqdaan Suuqa koraya ee Teknoolajiyadda wadanka.

Masuuliyiinta Telesom ee Waaxaha Internetka & Xidhiidhka Caalamiga iyo Suuqgeynta/Xidhiidhka Dadweynaha ayaa weftiga Google waxay ku soo wareejiyeen qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda, iyaga oo soo arkay teknoolajiyadda casriga ah ee Shirkaddu adeegsato, oo runtii ku noqotay mid aanay filayn. Waxa kale oo labada dhinac ay isweydaarsadeen macluumaad kuwajahan adeegyada Isgaadhsiinta, gaar ahaan Internetka oo ay rabto shirkadda Google in ay xoojiso.

Dhanka kale, Madaxa Waaxaha Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Internet-ka Shirkadda Telesom, Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warramay heshiis caalami ah oo labada shirkadood ee Google iyo Telesom ay wada galeen bishii April 2011, kaasi oo ku saabsan in la abuuro adeegyo cusub oo ay ka faa’iidaystaan Macaamiisha labada shirkaddooda.

Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan waxa uu xusay in adeegyadan cusub ay ugu horreeyaan in Macaamiisha Telesom ee Moobilka iyo Adeegga E-mailka ee Google ay ku wada sheekaysan karaan ama isweydaarsan karaan farriimaha qoraalka ee SMS-ka, iyada oo la adeegsanayo Moobilka Telesom. Waxana uu intaasi ku daray in barnaamijkani uu hadda ku jiro wakhtigii tijaabada, isla markaana macaamiisha loo sii deyn doono dhowaan.

Xidhiidhkan cusub ee Shirkadda Google iyo Telesom waxa la rajeynayaa in uu mustaqbalka dhow u fududeeyo macaamiisha adeegyo kala duwan oo shirkadda Google ay bixiso.

Telesom waa shirkadda ugu ballaadhan wadanka ee bixisa adeegyada GSM-ka oo isugu jira 2G/3G labadaba, Internetka iyo adeegga laymanka guryaha. Telesom sidoo kale waa shirkadda keliya ee wadanka ka bixisa adeegga moobilka lacagaha lagu xawisho iyo adeegyo kale oo tiro badan oo ay ka mid yihiin AqoonMaal, oo ay macaamiishu ka helaan warar iyo macluumaad aqooneed, adeegga ku-mushaax (Roaming), oo kuu sahlaya in dalal badan oo dunida ah aad moobilka Telesom la tagto, kuna isticmaasho iyo adeegyo kale oo tiro badan.

Shirkadda Google oo saldhiggeedu yahay dalka Mareykanka ayaa iyaduna ah shirkadda dunida ugu horreysa dhinaca adeegyada baadigoobaha, xayaysiisyada, Isgaadhsiinta; iyada oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii ballaadhanayso waxyaabaha ay ku kordhiyaan dunida.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net