Shirkadaha SILATECH, DAHABSHIIL iyo Hay’adda ARC oo iska kaashanaya fursad ganacsi oo loo abuuro dhallinyarada

Dahabshiil-LogoShirkadda SILATECH ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatatay shirkadda Dahabshiil oo ah shirkadda ugu weyn Afrika ee xawaaladaha lacagaha, iyo weliba hey’adda qaxootiga ee ARC (America Refugee Committee) oo ah hey’ad aan dawli ahayn oo caalami ah oo ka shaqaysa la-dagaallanka saboolnnimada iyo shaqo la’aanta, isla markaasina ku dedaasha horumarinta xirfadaha ganacsi ee dhallinyarada iyo sidii xal loogu heli lahaa hawlgelinta iyo shaqo-u-abuurista dhallinyarada Soomaalida ah.

Iyada oo sii wadda dedaalkeedii ahaa in la abuuro shaqooyin, lana sii ballaadhiyo fursadaha dhaqaale ee ay heli karaan dhallinyarada ku sugan dhammaan dalalka Carabta, ayaa haddana shirkadda Silatech ay iskaashi la samayn doontaa shirkadda Dahabshiil iyo hey’adda ARC, sidii looga baaraandegi lahaa ee loo heli lahaa fursado hore loogu sii marinayo hawlgelinta xirfadaha ganacsi iyo inay iskood u shaqaysan karaan dhallinyaradu, si loo yareeyo saboolnimada.

Iyada oo ah shirkad asalkeeda iyo aasaaskeeduba uu yahay Soomaali, Shirkadda Dahabshiil waxay tahay shirkadda leh adeegga ugu weyn amma ugu horreeya ee xawaaladaha lacagah ee ay ka faa’iidaystaan qurbajoogta Soomaalida ee caalamku, iyaga oo adegyadaasi ka hela kumannaan goobood oo ku kala yaal in ka badan 150 dal oo addunka ah. Maqaamka hawlaha iyo adeegyada Dahabshiil ee dhulalka Soomaaliyeed ayaa ah qaar buuxa oo ay ka mid yihiin Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo xaruntiisu ay tahay Djibouti, laamo fara bandanna ku kala leh dhulalka Soomaalida. Waxa kale oo ka mid ah shirkadda weyn ee horyaalka ah ee adeegyada isgaadhsiinta ee Somtel. Marka sidaas loo eego, heshiiskan dhex maray sharikadaha Silatech, Dahabshiil iyo hey’adda ARC waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyey ee noociisa ahaa ee laga hirgeliyo dhulalka Soomaalida. Waxa kale oo uu kor u qaadayaa oo uu wax-ku-ool ka dhigayaa adeegyada buuxa ee shirkadda guud ee Dahabshiil oo qayb ka noqda mashaariic dhinayo badan oo wadajir ah.

Sida lagu sheegay warbixintii Qaramada Midoobey ee 2012, heerka shaqa-la’aanta ee dhallinyarada Soomaalidu waxa uu marayaa 67%, waxanu ka mid yahay heerarka ugu sareeya shaqa-la’aanta adduunka ka jirta. Hasse ahaatee marka la eego sidii Soomaalida loo arkayey oo yididdiiladeedu haatan isa soo tarayso iyo deganaansha ka jira qaybo badan oo dalkaa ka tirsan, hey’adaha qaabilsan dhinacyada horumarinta iyo sharikadaha gaarka ah ee danaynaya amma ku baaraarugsan daryeelka ijtimaaciga ah ee dadweynaha, waxay si isbajoog ah wax uga bedelayaan mawqifkoodii iyo aragtidoodii ku waajahnaa dhinaca gargaarka banii’aadminnimo, waxayna haatan u soo jeesanayaan oo ay xoogga saarayaan dib-u-soo-noolaynta ilihii horumarinta dhaqaalaha oo noqda qaar joogto ah. Iyadoo isbedelkani uu socdo, iyo helitaanka xaaladihii ku bannaanaa soo-noolaynta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale, gaar ahaanna dhinaca dhallinyarada, waxay arrimahani noqonayaan qaar muhiim ah, sharikadaha Dahabshiil oo kale ahina waxay kaalin weyn ku leeyihiin oo ay ka soo qaateen isbedelkaas.

Waxa intaas soo raaca, iyada oo laga sii ambaqaadayo oo laga faa’iidaysanayo hab qaadhaan-ururin ah oo shirkadda Siltech ay hoggaaminaysay iyada oo adeegsanaysa internetka – habkaasi oo lagu soo ururiyey hanti dhan ilaa $3.3 malyuun oo dollar, lagana soo ururiyey dad ka badan 80,000 oo amaahdaas keenay si loo maalgeliyo baahida in ka badan 2,700 oo dhallinyaro Carbeed oo ganacsato yaryar ah – Shirkadda Silatech, hey’adda ARC iyo shirkadda Dahabshiil iyaga oo taas ka duulaya waxay eegi doonaan in guulaha habkaasi oo kale lagu dabbaqo dhulalka Soomaalida. Hey;adda ARC waxay aad uga dhex muuqataa qurbajoogta Soomaalida ee caalamka, kuwaasi oo dedaalka haatan la wadaa uu eegi doono sidii looga faa’iidaysan lahaa ee looga dhigi lahaa ilo wax-ku-ool ah oo gacan ka geysta maalgelinta ganacsatada yaryar ee Soomaalida, iyada oo la adeegsanayo hababkan oo kale.

Isagoo ka faalloonaya iskaashigani, maamulaha guud ee shirkadda Silatec Dr. Tarik M. Yousef waxa uu yidhi: “in la helo qaab istaraatijiyadeed oo gaar ahaan loola jeedo amma ku waajahan dhallinyarada, waxay u taagan tahay abuuritaanka fursado waaweyn oo horleh oo dhaqaale iyo kuwa ijtimaaci ah intaba, oo ay hirgeliyaan hey’adaha dhaqaalaha ee ka hawl gala Soomaalida. Annaga oo adeegsanaynna heshiiskani iskaashi, waxan ku faraxsannahay in aannu kaashanno oo aannu gacansaar la yeelannao shirkad weyn oo Soomaaliyeed sida Dahabshiil oo kale oo u heellan inay sii xaqiijiso hawlaheeda ku aaddan maalgashiga horumarineed ee mujtamaca Soomaalida.”

Abdirashid Duale, CEO Dahabshiil Group of Companies (600x400)Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale, waxa uu isna dhiniciisa yidhi: “Waxan soo aragnnay oo aan si weyn markhaati uga nahay sida xawaaladaha lacaguhu ay u badhi-taageereen ee ay gacan uga geysteen horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha gudaha ee dalalka qaaradda oo dhan. Iyada oo xaaladaha dhaqaale ee dhulalka Soomaalidu ay soo hagaagayaan, waxa cad in faac dhallinta yari ay kaalin weyn ka qaadan doonaan mustaqbalka dhaqaale ee gobolkaas. Shirkadda Dahabshiilna waxa ka go’an inay maalgeliso mashaariicda wax-ku-oolka ah ee qaaradda Afrika. Waana mabaadi’da aasaasiga ah ee Shirkaddan inay mas’uuliyad ijtimaaci ah iska saarto oo ay u heellanaato taageerista mujtamaca, kuwaasi oo dhinaca kalena ah qaar muhiim u ah guuleysiga iyo hirgelinta mihnadda iyo ganacsiga shirkaddan ee mustaqbalka. Adeegyada dhaqaale ee aadka loogu baahan yahay ee shirkaddu fidiso, waxa kale oo dheer in shirkadda Dahabshiil, iyada oo adeegsanaysa heshiiskani iskaashi, inay sidoo kale awodi doonto in loo fidiyo oo loo abuuro xirfado iyo hagisba dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Isaga oo isna u hadlaya hey’adda ARC, maamulaha guud ee hey’addaas Daniel Wordsworth waxa uu sheegay: “Ka sakow dhibaatooyin badan oo horyaalley, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay muujiyeen inay yihiin dad adkaysi iyo xammil badan oo ka soo kaaban kara dhibaatooyinka, lehna awod inay la qabsan karaan duruufaha jira, noolaanna karaan. Waxanan rumaysannahay in iskaashigani cusubi uu awod u siin doono ganacsiga dhallinyarada Soomaaliyeed inay helaan adeegyadii, xirfadihii iyo aqoontii ay u baahnaayeen ee kaabi lahayd sii-wadidda ganacsigooda, taasi oo sidaa awgeed gacan ka geysanaysa dib-u-dhiska waqtiga fog ee Soomaalida.”

Iyada oo mashaariic ka wadda ilaa 11 dal oo Carbeed, ilaa sannadkii 2009-kii maalgashiga shirkadda Silatech ee ganacsiyada kookooban waxa uu awodey inuu gaadho in ka badan 30,000 oo ganacsi amma sharikado yaryar. Waxa kale oo ay kaalmo u fidisay in ka badan 90,000 oo qof oo dhallinyaro ah. Silatech waa shirkadda ugu weyn ee u fidisa adeegyada ugu ballaadhan ee ku waajahan ganacsiyada yaryar ee dhallinyarada ee ka jira dalaka Bariga Dhxe iyo Waqooyiga Afrika.

SHIRKADDA SILATECH

silatechShirkadda Silatech xarunteedu waa dalka Qatar, waxayna qabataa hawlo iyo mashaariic ijtimaaci ah oo dadweyne oo fursado shaqo loogu abuurayo dhallinyarada, laguna ballaadhinayo fursadaha dhaqaale ee ay heli karaan, guud ahaan dalalka Carabta. Waxa la aasaasay hey’addan Silatech sannaddii 2008, waxana aasaastay Ammiradda Marwo Sheikha Moza bint Nasser. Silatech waxay si weyn ula shaqaysaa oo ay xidhiidho badan la leedahay hey’ado badan oo ka shaqeeya dhinacyada horumarinta, dawlado, iyo sharikado gaar ah, si wax loogu qabto horumarinta dhallinyarada Carbeed. Macluumaad dheeri ah oo la xidhiidha shirkaddan Silatech waxaad ka heli kartaa bogagga website-ka shirkadda ee: http://www.silatech.com

HAY’ADDA ARC
ARCHey’adda ARC (American Refugee Committee) iyana waa hey’ad Maraykan ah oo la shaqaysa dadka qaxootiga ah ee ku barabaxay dagaallada iyo aafooyinka, kuna lumiyey wax kasta oo ay lahaayeen amma haysteen. Waxayna soo ururiyaan baahiyaha dadkaasi iyo sidii loo caawin lahaa. Ilaa soddon sano ayay ka soo shaqaynayeen hawlahaasi banii’aadminnimo, waxayna leeyihiin ilaa 2000 oo hawlwadeen oo u adeegan sannad kasta dad ku dhawdhaw ilaa 2.5 malyuun oo qof oo ku tabaalaysan Afrika iyo Aasiya.

Macaluushii sannadkii 2011, ARC iyo Soomaalida guduhu waxay iska kaashadeen barnaamij qaadhaan iyo waxtar lagaga soo ururinayo qurbajoogta Soomaalida, kaasi oo ay ka qayb galeen ilaa 33,000 oo qof oo ku kala sugnaa dalal ka badan 60. ARC waxay haatan ka waddaa adeegyo daruuri ah oo ay ka mid yihiin helitaanka biyo nadiif ah, adeegyo caafimaad, iyo gargaar cunno oo la gaadhsiiyo ilaa 170,000  (Boqol iyo Todobaatan Kun) oo qof.

SOMALILANDPOST.NET