Shirkadaha Laydhka Ee Hargeysa Oo Jabinaya Qiimaha Dabka Magaaladu Ku Hesho

Hargeysa(SLpost)-Shirkadaha laydhka siiya Hargeysa ayaa isugu imanaaya shir balaadhan oo lagu eegayo qaabkii loo jabin lahaa qiimaha haatan ee laydhka magaalada ay ku hesho aad u qaaliya.

download (5)

Arintan ayaa ka danbaysay kulan wasaarada ganacsigu ay la qaadatay shirkadaha laydhka kaas oo ay kaga codsatay in loo baahan yahay in la jabiyo qiimaha laydhka magaaladu ay ku hesho kadib markii uu qiimaha shidaalka ee aduunku uu hoos u dhacay.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu yidhi “Adeega korantdu aad ayuu qaali u yahay waxaana muhiim ah in hoos loo dhigo, maadaama uu shidaalkii dunidii ka jabay iyada oo aynu ognahay in shirkadaha laydhu ay halgan badan soo galeen oo shaqooyin badan ay soo qabteen hadana waxaanu doonaynaa in qiimahii hoos loo dhigo.”

Masuuliyiintii matalayay shirkadaha dabka siiya Hargyesa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay isugu iman doonaan kulan lagu jabinaayo qiimaha laydha ee magaalada.