Shirkadaha Diyaaradaha ee American Airlines iyo US Airways oo ku bahoobay Shirkadda ugu ballaadhan caalamka

Los Angeles (SLpost)- Labada shirkadood ee ugu weyn dalka Maraykanka ee American Airlines iyo US Airways, ayaa shaaciyey inay ku midoobeen magaca American Airlines, taas oo ka dhigaysa shirkadda diyaareed ee ugu ballaadhan caalamka.

Heshiiska dhexmaray labada shirkadood oo marka hantidooda laysku daro ay isku noqonaysa 11 Bilyan oo Dollar, waxa guddoomiye ka noqonaya  Madaxii shirkadda US Airlines Doug Parker.

Guddida Fulinta labada shirkadood, ayaa si hoos heshiis u gaadhay shalay waxaanay nuxurka isbahaysiga dhexmaray ku dhawaaqeen maanta gelinkii hore.

AmericanUSAirwaysMergeIsku- biiritaanka labada shirkadood ayaa isbeddel ku keenaya tirade shirkadaha diyaaradaha waaweyn ee dalkaas oo hadda isugu biyo-shubanaya afarta Shirkadood American Airlines, United, Delta iyo Southwest.

Dhanka kale, heshiiskani waxa uu afgenbi ku noqonayaa shirkadaha yar ee diyaardaha ee US Aiways Group Inc., oo isku biiray ka dib markii dhaqaale xumo la soo deristay Shirkadda AMR Corp sannadkii 2011.

Masuuliyiinta labada shirkadood waxa ay sheegeen in isku-biiritaankoodu ay uga soo xeroon doonto sannadkii lacag ka badan 1 bilyan oo Dollar.

Shirkadda cusub ee The New American, ayaa hadda yeelan doonto 900 diyaaradood, 3,200 oo duulimaad maalin kasta iyo in ku dhow 95,000 oo shaqaale rasmi ah marka laga tago shaqaalaha shirkadaha adeeggooda ka sii ganacsada.

SOMAILANDPOST.NET