Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Xadhigga Ka Jaray Adeegyadda Somtel Iyo eDahab Ee Puntland.

Garoowe (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Xalay xadhigga ka jaray isticmaalka adeegga isgaadhsiinta ee shirkadda Somtel iyo adeegga xawaaladda mobile-ka ee eDahab oo ah markii ugu horeysay ee laga hirgaliyo dawlad gobolleedka Puntland.

Shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa sanadkan horaantiisii soo gaadhay deegaamada Puntland iyadoo si kumeel gaadh ah xarumaheeda Puntland u furtay lagana bilaabay Adeegyada shirkadda sida bixinta kaararka, Ku hadalka, Internetka iyo Adeega E-Dahab.

IMG_1709Xaflada Daahfurka shirkada ayaa ka dhacday Magaalada Garoowe iyada oo lagu qabtay Hoolka jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garoowe, Waxaana ka qayb galay madaxda dowladda Puntland, Wasiirro, Xildhibaanno, madax-dhaqameedyo, Ganacsato, culimaa’udiin iyo dadweynaha Puntland

Waxa ugu horeyn ka hadlay xafladda furitaanka madaxa guud ee shirkadda Dahabshiil iyo Somtel Cabdiraxmaan cali cabdi oo faahfaahin ka bixiyey daafhurka shirkadda SOMTEL Puntland waxaan uu yidhi “sida aad ka warqabtaan shirkadda SOMTEL oo bixisa adeeg isgaadhsiineed oo wada gaadhsiisan dalka Soomaaliya, qeybteeda Puntland ayeynu caawa halkan ku daahfuraynaa”. Daafurka adeegga Somtel iyo eDahab waxay kusoo kordhisay Puntland inay shaqaalaysiiso tiro gaadhaysa 600 oo shaqaale oo reer Puntland ah, waxa kale oo ay fududaysan Somtel qaab sahlan oo ay ardayda iyo ganacsatada reer Puntland ay kula xidhiidhaan caalamka meesha ayey shirkadda Somtel ay u fududaysay” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi.

Dr. Sayid Maxamed Cabdille Xasan maamulaha guud ee shirkadda Somtel Puntland ayaa isna ka warbixiyey shirkadda Somtel waxaanu yidhi “Shirkadda Somtel waa shirkad isgaadhsiineed oo ka hawl gasha dhamaan Soomaaliya, qeyb na ka ah bahweynta Dahabshiil Group. Somtel waxay si mug leh u maalgelisay technology-ga ugu casrisan adduunka kuna xidhan shirkadaha ugu tayada sareeya ee reer yurub, waana arrinta keentay kasbashada quluubta shacbiga reer Puntland. Shirkadda Somtel oo muddo yar ka jirtay deegaannada Puntland waxay si laxaad leh uga qeybqaadatay taakulaynta bulshada sida: xalinta khilaafaadka beelaha, dhiirigalinta dhallinyarada iyo Spoortiga si loo yareeyo tahriibta, taakulaynta qaxoontiga soomaalida iyo yamenta kasoo qaxay dalka Yaman iyo taakulaynta agoomaha.

ImGSidoo kale shirkadda Somtel waxay ka qeyb qaadanaysaa kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirigalinta suuqqa xorta ah ee ku salaysan tartanka caafimaadka qaba. Waxa si gaar ah mudan in loo xuso inay shirkadda Somtel Puntland ay tahay shirkadii ugu horeysay ee shaqaalaysiisa gabdhaha waxbartay kadib markii ay ku tartameen imtixaanadii shaqadda” sidaa waxa xafladda daahfurka ka sheegay Dr. Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Adeegyada ay Somtel ka hirgalisay deegaannada Puntland waxaa kamid ah:

– Adeegga eDahab oo ah adeegga xawaaladda moobaylka oo aad lacagtaada ku shuban karto akoonka aad ku leedahay dahabshiil ka la na bixi kartid goor kasta iyo meel walba, waxa kale oo aad kaga shuban kartaa lacag aad ku hadasho moobaylkaaga.

– adeegga looyaqaanno GSM oo ah xarfo lasoo gaabiyey oo noqonaya (Global System Mobile communication), adeegyadaas waxa kamid nooca looyaqaano SIM prepaid oo ah lacagta lagu shubto kaadhka Somtel adiga oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee lacagta loogu shubto sida kaadhka la xuqo oo scratch card-ka looyaqaan, eDahab-ka iyada oo ay lacagtaadi mobilka kuugu jirtay aad iskaga shubanaysid iyo isaga oo elegtaroonika oo looyaqaan EVC aad kaga shuban kartid xarumaha iyo wakiiladda Somtel.

– Adeegyada kale ee ay daahfurtay shirkaddu waxaa kamid ah nooca looyaaqaano POSTPAID oo ah telefoon furan oomarka bishu dhamaato wixii aad isticmaashay biil ahaan laguugu soo dalacayo.

– Adeegga DANAN oo kuu sahlaya inaad codad kala duwan ku xidhato moobileykaaga sida ducooyinka iyo gabayada. Adeegga

– TEBIYE oo marka aad wacdid qof isaga oo telefoonkiisu dansan yahay ama xidhan yahay inuu kuu sheegomarka uu diyaar noqdo ama la adeegsan karo.

– VIOP waa adeeg adduunka inbadan oo kamid ah si lacag la’aan ah lagaaga soo wacayo sida wadamada Yurub iyo Ameerika.

– Adeegga looyaqaanno FAST INTERNET BANDWITH oo ah xawaaraha dheer ee internetka.

– Adeegga looyaqaano 4G waa Four Generation oo ah aaladdii ugu dambaysay ee SIM kaadh laga isticmaalo caalamkan aynu joogno.

– Adeegga WIFI HOTSPOT waa internet xawaarihiisu aad u sareeyo isla markaas na magaalooyinka waaweyn meel kasta oo la joogo laga gali karo internetka

IMG_2847Waxa isna madasha daahfurka ka hadlay madaxa adeegga eDahab Mud. Fuaad Axmed Nuux oo ka warbixiyey adeeggan oo kamid ahaa adeegyadii madasha lagu daahfuray waxaana hadaladiisii kamid ahaa “eDahab waa adeeg casri oo qofku mobaylkiisa ku isticmaali karo dhamaan adeegyada maaliyadeed ee uu uga baahna bangiga, xawaaladda iyo lacagtii uu ka isticmaalayey jeebkiisa. Adeeggan eDahab waxay shirkaddu ka bilowday Puntland muddo hadda laga joogo dhowr bilood oo uu maanta wada gaadhay dhamaan magaalooyinka ay ka kooban tahay Puntland isla markaan macmiil isticmaalaya adeegani uu wax kaga iibsan karo goobkasta oo ganacsi oo ku taala Puntland oo uu qofku kaga maarmi karayo lacagtii uu ku haysan jiray jeebkiisa. Waxa uu intaas ku daray muddadii yarayd ee uu jiray adeeggani inay isticmaaleen oo ay ka faaidaysteen in kabadan 50,000 (konton kun) oo isugu jira meherado iyo macmiilka kale oo reer Puntland ah, taasi oo ku tusaysa sida ay uga faaidaysteen dadka reer Puntland mudadaa yare e dhowrka bilood ah.

Adeegga eDahab waxaa loo isticmaali karaa bixinta mushaharooyinka shaqaalaha shirkadaha, haayadaha caalamiga ah iyo ganacsatada kale iyada oo adeeggani suurtogalinayo in hal mar aad lacag uga diri karto computerkaaga 100,000 oo qof wax ka yar hal miridh. Macmiisha isticmaalaysa adeegan waxay heli adeegyo tiro badan oo ay kamid yihiin sida adeegga lacag dirid laga dirayo moobayl oo loo dirayo moobayl kale, inuu adeeg ku iibsan karo, inuu macmiilku lacagta ku jirta moobaylkiisa uu biil iskaga bixin karo, in lacagta laguugu soo diro xaawaladdu ay kuugu soo dhici karto moobaylkaaga adiga oo jooga gurigaa ama shaqadaada oo aad kaga maarmayso inaad tagto xarumaha dahabshiil.” Hadaladaasi waxay kamid ahaayeen warbixintii madaxa eDahab Fuaad Axmed Nuux.