Shirkadaha Dahabshiil Group oo ka Dhex Muuqday Hirgelinta Horyaalka Gobollada

“Isdhexgalka dhallinyarada waxa ugu weyn ee suurtegeliyaa waa kulannada kala duwan ee cayaaraha sida kuwa xulalka gobolladu isugu yimaaddaan, taas ayaana u sabab ah in Shirkadaha Dahabshiil xil dheeraad ah iska saaraan,” Cabdirashid MS Ducaale, Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.

Burco, (SLpost)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa siyaabo kala duwan oo dhammaantood wax-ku-ool ah kaga qayb qaatay suurtagelinta, habsami-u-socodka iyo dardargelinta niyadsamida leh ee loo rajaynayo inay guud ahaanba tartanka cayaaraha Gobollada Somaliland eek a furmay magaalada Burco ku qabsoomaan, kuna soo gabagaboobaan.
Waxa  ka mid ah dhiirrigelinta shirkadaha Dahabshiil Group u muujiyeen cayaaraha dhallinta gobolladu isugu yimaaddeen ka mid ah baahin toos ah oo shirkadda isgaadhsiinta Somtel u samayso furitaanka iyo xidhitaanka cayaaraha, ka-qayb-qaadashada dib-u-bilidda garoonnada cagta iyo koleyga, deeqo maaliyadeed oo toos ah, abaalmarinno loo kala diyaariyey ciyaartoyga u horreeya ee goolka u horreeya tartanka dhaliya, cayaartoyga goolasha u badan ka dhaliya tartanka, casumaadaha labada kooxood ee cayaarta kama-dambaysta ah isugu soo hadha, tababaraha kooxdiisu koobka qaaddo, orodyahanka u dheereeya tartanka orodada, direyska rasmiga ah ee garsoorayaasha labada xidhiidh ee cagta iyo kolayga, dirayska lix cayaartoyga kubbadda cagta ee lix gobol, iwm.
Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ka qayb galay furitaankii ciyaaraha gobollada. Maamulu waxa uu waraysiyo kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya kala siiyey Telefishanka Qaranka, telefishannada caalamiga ah ee Horn Cable TV iyo Universal iyo Idaacadda caanka ah ee BBC (British Broadcasting Corporation).
Maamulaha Guud waxa uu muujiyey sida uu u soo dhoweynayo una hambalyaynayo wasaaradaha xidhiidhada ciyaaraha ee kala duwan, guddoomiyeyaasha gobollada, ciyaartoyga, dadweynaha, shirkadaha iyo guud ahaanba bulshada iska kaashatay suurtagelinta Tartanka Cayaaraha Gobollada ee Khamiista ka furmay magaalada Burco.
“Isdhexgalka dhallinyarada waxa ugu weyn ee suurtegeliyaa waa kulannada kala duwan ee cayaaraha sida kuwa xulalka gobolladu isugu yimaaddaan, taas ayaana u sabab ah in Shirkadaha Dahabshiil xil dheeraad ah iska saaraan,”  ayuu tilmaamay Cabdirashid MS Ducaale, Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.
Waxa Maamulaha Guud tibaaxay in cayaaraha la isugu yimaaddo, loona wada ciyaaro si turxaan la’ ay qayb muuqata ka qaataan isu-soo-dhowaanshaha deegaannada iyo kooxaha meelo kala durugsan ka kala yimaadda, sidoo kalena ay cayaartoyga ka dhex abuuraan is-barasho iyo kalgacal qoto dheer oo aan dhayal lagu illaawin.
“Waxa aan Ilaahay uga rajaynayaa in tartankan ciyaaraha gobolladu nabad ku bilaabmo, nabad ku dhammaado oo guul iyo gobannimo ku tisqaado,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.
Waxa kale oo Maamulaha Guud muujiyey sida uu ugu faraxsana yahay in shirkadaha Dahabshiil Group kaalin muuqata oo cuddoon kaga qayb qaatay diyaargarowga iyo ka-midho-dhalinta himilada toolmoon ee laga leyahay tartannada cayaaraha, sida kan gobollada.
“Si toos ah ayaa Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL u lalinaysaa xafladaha furitanka iyo kulanka labada labada kooxood ee lagu furayo iyada oo ay iska kaashanayaan baahintooda telefishannada SLNTV, HCTV iyo Universal TV – taas oo noqonaysa markii u horreysey ee taariikhda cayaaraha sidan oo kale ka suurtagasho. Sidoo kale, cayaaraha kama-dambaysta ah iyo xafladda xidhitaanka ayaa si toos ah loogu baahin doonaa daawadayaasha kala jooga daafaha dunida haddii Eebbe yidhaahdo,” ayuu daahfuray Maamulaha Guud, mudane Cabdirashid.
Waxa bulshada ka qayb gashay furitaanka cayaaraha gobollada si weyn indhahooda iyo dareenkooda soo jiitay soo dhoweyntadadweynaha rer Burco muujiyeen iyo diyaar-garowga hagar la’aanta ah ee garoomada ka muuqdey.
“In 26 sannadood ka dib Garoonkan bilicda san ee  Alamzey Stadium aannu gacan muuqata ku yeelano dib-u-habayntiisa iyo diyaarintiisa, waxa ay maamul, wakiil, macmiil iyo hawlwadeen ahaanba u tahay shirkadaha Dahabshiil Group farxad aan la soo koobi karin oo aad u taabanay dareenkayaga, siiba marka aannu aragnay sida bulshada oo dhami u soo dhowaynayso qabsoomidda tartankan, uguna hanweyn tahay,” ayuu yidhi Maamuluhu.
Tiraba laba jeer ayay shirkadaha Dahabshiil Group si mug leh uga qayb qaateen dib-u-dhiska, kordhinta iyo bilidda garoonka Alamzey Stadium.
Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa taariikhda ku galay inay safka u horreeya mar walba ka muuqdaan hawlgallada waxtarka u ah bulshada oo ay ka midka yihiin adeegyada aasaasiga u ah koboca iyo horumarka guud ee ummadeed ee ay ka midka yihiin dhiirrigelinta cayaaraha, waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaale, iyada oo ay ka midka yihiin hawlaha shirakaddu hadda gacanta ku hayso dayactirka iyo casriyaynta garoonka weyn ee Hargeisa Stadium.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net