Shirkadaha Apple,Samsung iyo Sony, iyo kuwa kale oo eedaymo loo jeediyay

Hargyesa(SLPost)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa waxa ay ku eedaysay shirkadaha Apple, Samsung iyo Sony, iyo kuwa kale, in ay ku guuldaraysteen in ay sameeyaan baaritaan asaasi ah si ay u xaqiijiyaan in macdanta ay u isticmaalaan waxsoosaarkooda aanay soo qodin carruur.

Warbixin ku saabsan qodista macdanta cobalt ee laga qodo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, ayaa waxa ay ku ogaatay in carruur yaryar oo ay da’doodu tahay 7 sano ay ku shaqeeyaan xaalado adag.

Macdanta cobalt ayaa waxa ay muhiim u tahay dhisidda bateriga.

Shirkadaha ayaa sheegay in aanay u dulqaadan siyaasadaha carruurta la shaqaalaysiiyo.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, ayaa soo saarta ugu yaraan boqolkiiba 50 macdanta cobalt-ga adduunka.

Dadka ka shaqeeya macdan qodista ayaa waxa ay wajahaan dhibaatooyin caafimaad ee xilliga fog waxa ayna khatar ugu jiraan shilal dhimasho, sida ay sheegayso Amnesty.

Intii u dhaxaysay bilihii Sebteembar 2014 iyo Diseembar 2015 waxaa noloshooda ku waayay ugu yaraan 80 macdan qode oo ku dhintay dhulka hoostiisa koonfurta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo,

UNICEF ayaa waxa ay qiyaasaysaa in ku dhawaad 40,000 oo carruur ah ay ka shaqeeyaan macdan qodista guud ahaan koonfurta dalkaasi.