Shirkad saami dheeraad ah ka iibsatay sahaminta shidaal ee Odweyne Block

sterlingenergyLondon (SLpost)- shirkada sahaminta shidaalka ee Sterling Energy ayaa shaacisay in xukuumada Somaliland aqbashay kordhinta saamigii ay ku lahaayeen block-ga Oodweyne.

Shirkada Sterling ayaa baahisay shalay in saamigeedii heshiiska qeysiga wax-soo-saarka Oodweyne Block xilligan noqday 25%, ka dib markii sannadkii hore ay kaga iibsatay qiimo gaadhaya $10 milyan dollar shirkada Petrosoma, oo ku xidhan dhamaystirka hawsha qaarkeed.

Maalmo ka hor, Sterling ayaa saami gaadhaya 15% kaga iibsatay qiimo gaadhaya $15 Milyan dollar shirkada Jacka Recources, kuna xidhan dhamaystirka hawsha qaarkeed.

Xilligan saami gaadhaya boqolkiiba 25% ayey haysataa shirkada Sterling, halka shirkada Genel Energy leedahay boqolkiiba 50%, iyo Petrosoma 10%, Jack Resources 15%.

Baaxada Bogcadda Oodweyne ayaa la sheegay inay gaadhayso masaafo dhan 22,840 sq km (8,816 sq miles), isla markaana sahamin dhinaca cirka iyo jabaqda ayaa lagu sameeyey sannadkii 2013. Sidoo kale  ifafaale shidaal ayaa lagu arkay xilligii hawsha sare la waday, taasoo ka dhigaysa in rajada ka helitaanka shidaal ee goobtaasi sareyso.

SOMALILANDPOST.NET