Somaliland: Shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo ku guulaystay Dhismaha Wershadda Sibidhka MSG Group

Hargeysa (SLpost)- Shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Bedeschi, ayaa la filayaa inay Somaliland ka hirgeliso Wershad Sibidhka soo saarta, taas oo kharashka ku kacaya dhismaheeda lagu qiyaasay $60 Milyan.

Wershadda oo ay leedahay shirkadaha MSG Group ee uu leeyahay Ganacsade Maxamed Siciid Geeddi oo u dhashay Somaliland, ayaa laga hirgelinayaa magaalada Berbera.

Sida uu qoray Global Cement oo soo xigtay Wargeyska Il Sole 24 Ore oo ka soo baxay dalka Talyaaniga, Shirkadda Bedeschi ayaa Heshiiska Dhismaha Wershadda oo la filayo inay sannadkii soo saarto 1.2Mt Sibidh ah la saxeexatay shirkadda Horn Holding Group oo ah farac ka tirsan Shirkadaha MSG Group.

Sida ku xusan Jadwalka loo asteeyey dhismaha, waxa la filayaa in wax-soo-saarka wershaddu bilaabmo badhtamaha sannadka 2025-ka. Shirkadda Bedeschi ayaa soo saarta Mishiinnada iyo Agabka wax-soo-saarka iyo Xamuulka ee lagama maarmaanka u ah Wershadaha Sibidhka.

Sannadkii 2019-kii, Shirkadaha MSG Group iyo Raysut Cement oo laga leeyahay dalka Cumaan, ayaa heshiis ku galay inay Somaliland ka hirgeliyaan Wershad Sibidh oo cusub, iyadoo heshiisku ahaa inay shirkada Raysut yeelato saami dhan boqolkiiba 55 halka shirkadda MSG ay lahayd 45 boqolkiiba.

Magaalo-xeebeedda Berbera, waxa hadda ka dhisan wershad soo saari jirtay Sibidhka xilligii Dowladdii kacaanka ee Soomaaliya. Wershadda oo  dhismaheeda la hirgeliyey sannadkii 1987-kii isla markaana wax-soo-saarkeedu gaadhay inay maalintii soo saarto 12,000 kiish oo sibidh ah.

Wershadda oo ku taalla duleedka magaalada Berbera ayaa la sheegay inay wax-soo-saarka joojisay sannadkii 1988-kii xilligaas oo halgankii dib-u-xoreynta SNM ka bilaabmay dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net