Shirkad laga leeyahay Kenya oo ku Guulaysatay Saddex Ceel oo laga Qodayo dalka Djibouti

 

Djibouti (SLpost)- Shirkad Soo Saarta Tamarta Korontada laga dhaliyo oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa ku guulaysatay inay dalka Jabuuti ka qoddo saddex Ceel oo laga soo saarayo Korontada laga dhaliyo Tamarta Dhulka hoostiisa ku keydsan (Geothermal Energy).

Shirkadda KenGen PLC ayaa maanta qalinka ku duugtay heshiis qandaraaskiisu ku kacayo $6,500,000 (Lix Milyan iyo Shan Boqol kun Dollar), waxaana dhinaca dalka Jabuuti heshiiska uga wakiil ah hay’adda horumarinta Tamarta Dhulka hoostiisa ee laga dhaliyo Korontada (ODDEG).

Waddanka Kenya ayaa ah dalka ugu horreeya qaaradda Afrika wax-soo-saarka iyo isticmaalka Korontada laga dhaliyo tamarta Dhulka hoostiisa ku jirta, waxaanu ku jiraa 10-ka waddan ee adduunka ugu horreeya. Korontada laga isticmaalo dalka Kenya, ayaa u kala qaybsanta 29% Tamarta Dhulka Hoostiisa, Boqolkiiba 29 Tamarta laga dhaliyo Biyaha, boqolkiiba 28 Tamarta laga dhaliyo mishiinnada iyo boqolkiiba 12 Tamarta ama Korontada laga dhaliyo ilayska Qorraxda.

Sida ay qortay warbaahinta CapitalFM oo aanu warkan ka soo xigannay, agaasimaha shirkadda KenGen Rebecca Miano ayaa sheegay in saddexda ceel ka caawin doonaan dalka Jabuuti sidii ay shacabkeedu u heli lahaayeen Koronto ku filan.

Waxa uu sarkaalkani sheegay in mashruucani yahay kii saddexaad ee ay shirkaddooda ku guulaysato gudaha qaaradda Afrika, waxaana ugu dambeeyey mashruuc ay shirkaddu 12 Ceel oo laga soo saaro Tamarta ku keydsan Dhulka hoostiisa ka qodday dalka Ethiopia.

Dalka Djibouti oo ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa lagu tilmaamaa dalalka qaaradda Afrika ee ugu liita dhinaca horumarka adeegga Korontada oo aanay shacabku wada-helin.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net