Shirkad laga leeyahay dalka Australia oo Shidaal ka qodaysa Somaliland iyo Meelaha Bartilmaameedka u ah

Hargeysa, 03 April, 2012 (SLpost)- Shirkad shidaalka baadha oo la yidhaahdo Jacka Resource LTD ayaa markii horeysay shaacisay inay shidaalka ka qoday bartilmaameedyo ku yaala Somaliland.

Sida aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka ee Reuters, Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Australia ayaa shaacisay inay heshiis kula gashay shirkadda dhanka maalgashiga qaabilsan ee Petrosoma Limited inay saami qaybsi boqolkiiba 50 ah qaadato shidaalka laga qodayo goob cayiman oo ku taala  Koonfur Galbeed Somaliland.

Sida ay shirkaddu ku baahisay bogeeda internetka, goobta shidaalka laga qodayo oo ku magacaaban Habra isla markaana magacii hore loogu yaqaanay ahaa BLOCK 26, waxay ku fadhidaa baaxad dhan 22,000 KM laba jibbaaran, waxaana laga rejaynayaa inuu juquraafi ahaan la mid yahay meelaha shidaalka laga helay ee dalalka Yemen iyo Uganda oo Balaayiin Foosto oo shidaal ku keydsan yahay.

Guddoomiyaha Shirkadda Jacka ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay in Somaliland Muhiimad gaar ah u leedahay dalalka danaynaya iyo maalgashiga. “Maamulka Jacka waxa muddo badan rumaysnaa in Somaliland ay muhiimad badan leedahay,” waxa sidaa yidhi Guddoomiyaha shirkadda Scott Spencer.

Sida uu sheegayo heshiiska ay labada shirkadood kala saxeexdeen, Jacka waxay qodaysaa shidaalka, sida lagus sheegay warmurtiyeed ka soo baxay shirkadda. Dhulka shidaalka laga qodayo ee Habra waxa uu ka kooban yahay dhowr qaybood oo ka mid ah Rukunnada loo qaybiyo dhulka Somaliland marka laga hadlayo Cilmiga Jiyoolajiga; waxa uu ka kooban yahay qaybaha SL6, SL7 iyo SL10.

Bishii November ee sannadkii hore, xukuumadda Somaliland waxay sheegay in heshiis kala saxeexdeen Shirkadda ka diiwaan-gashan magaalada London ee Ophir Energy, Asante Oil iyo Prime Resource, kuwaas oo muddo `18 bilood gudahood ah ku samayn doona sahamin shidaal isla markaana cayimi doona Ceelashada shidaalku ku jiro.

Ilaa imika, dalka Somaliland, waxa laga helay 21 ceel oo hore sahamin loogu sameeyey kuwaas oo xiise badan ku buuray shirkadaha Shidaalka iyo Gaasta soo saara.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net