Shirkad Heshiis Shidaal-sahamin ah Kula Jirta maamul goboleedka Puntland oo bilowga Hawsheeda ku Xidhay Shuruudo Somaliland Qayb ka tahay

London (SLpost)- Shirkada shidaalka ee Africa Oil ayaa xaqiijisay inay hakiyeen sahamintii ay ka wadeen ceelka dooxada Nugaal, isla markaana aanu mushkiladaha ka taagan Soomaaliya saamayn ku lahayn joogitaanka

Sida lagu baahiyey shabakada africaoilcorp.com, qoraal shalay ka soo baxay xarunta shirkada Africa Oil ayaa lagu sheegay iyagoo ka jawaabaya eedo warbaahinta loo mariyey oo ku saabsan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

africa oil_SomaliaGuddoomiyaha shirkaddan Keith Hill, ayaa sheegay in joogitaanka shirkadooda ee Soomaaliya saamayn ku lahayn mushkiladaha amni-darro ee ka taagan dalkaas, balse waxa uu sheegay inay hakinayaan hawlihii sahaminta ahaa ee ay wadeen dooxda Nugaal oo isaga tallowda xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaan caddeynaynaa inaan hakin doono sahamintii aanu ka wadnay dooxadda Nugaal, ilaa khilaafka xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Puntland la xalinayo, maadama aanan doonayn inaan kordhino khilaaf,” sidaas ayuu guddoomiyaha Africa Oil.

Shirkada Africa Oil Corp oo ay wakiil ka tahay shirkadda Horn Petroleum, ayaa dalkaasi Soomaaliya joogay ilaa sannadkii 2007, waxaanay heshiis sahaminta shidaalka ah kula jirtaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Shirkadda Africa Oil oo dhawaan jawaab-ka bixisay hadal ka soo yeedhay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegayey inaanay dawladda dhexe ogolayn heshiisyo ay maamul-goboleedyada dalkaasi la galaan shirkado shisheeye, ayaa sheegtay in heshiiskooda sahaminta shidaalku u dhexeeyo oo kaliya maamul-goboleedka Puntland, dawladda Federaalka ee Soomaaliya-na aanay wax xidhiidh ah la samaynin.