Shirka Midawga Afrika Oo Ka Furmay Addis Ababa

Hargeysa(SLpost)-Shirka sanadlaha ah ee ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay xarunta oo ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

130525105826_au_summit_512x288_afp

Qodobo badan ayaa ururka horyaalla oo ay ka mid tahay qalalaasaha ka taagan dalalka qaar, iyo arrimaha aadanaha. Waxaa kullanka furay madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo baneynaya xilka madaxa qaaradda Afrika.

Furitaanka shirka waxaa hadashay, Dr Dlamini Zuma, oo u tacsiyeysay askarta nabad ilaalinta ee ay sheegtay inay dhinteen ayagoo shaqo ku jira. Waxay sidoo kale soo dhaweysay madaxda cusub ee qaaradda sida kan Tanzania, Magafuli.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobeey Ban Ki Moon ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ee AU ka jeediyay madasha.Mar uu Soomaaliya ka hadlaayay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay howlgalka midowga AFrika ee dalka nabad loogu soo celinaayo.

Xoghayaha UN waxa uu tilmaamay in dacwadda lagu oogay madaxweynihii hore ee Chad, Xuseen Habre ay tusaale u tahay heerka xuquuqda aadanaha ee Qaaradda.waxa uu soo dhaweeyay in dad ka shaqeeya xuquuqda aadanaha loo diro dalka Burundi, ayadoo madaxweynaha dalkaasi aan la soo hadal qaadin lamana oga inuu shirka ka qeybgalayo.

qiyaastii 17 dal oo Afrika ah ayaa sanadkan doorasho galaya, wuxuuna Ban Ki Moon ugu baaqay inaysan qalalaase abuurin si ay waqtiga u kordhistaan.

https://youtu.be/dnq41vIOtzk