Shirka London Waa Mu’aamaraad Rasmi Ah Oo Loo Maleegayo Somaliland – Qallinkii Qoraaga Mohamed Diridhaba

Maxamed Diridhaba

Maxamed Diridhaba

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nebigeena Muxamed CSW, Akhristayaal waxaan qallinka u qaatay inaan iftiimiyo, ifafaaleeyo, isla markaana malaha iyo mala’awaalka ka saaro qodob ra’yul caamka Somaliland in dhawaydba si weyn ugu soo noq-noqonaayey kaasi oo ah Shir sannadkii hore uu Ra’isal wasaaraha dawladda wadaagga ah ee dalka ingiriiska David Cameron mar uu la hadlaayey mudanayaasha aqalka Baarlamaanka dalka ingiriiska (Commons) u sheegay inay dawladdiisu qaban doonto shir ay iskugu yeedhayso qaybaha Soomaaliya, kaasi oo ay dawladiisu u qoondaysay inuu London ka dhaco 23/02/2012 magaalada London.

Haddaba intaynaan u gelin saamaynta  uu shirkaasi ku yeelan karo Somaliland qaranimadeeda  samo iyo sumcad-xumo labadaba ayaan jecelahay inaan halkani idiinku soo gudbiyo sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan wuxuu shirkani ku saabsanyahay, qaabka loo qabanayo, qodobadda lagaga hadlayo, ujeedada shirka dawladda ingiriisku ka leedahay iyo ilaa hadda cidda loo xil-saaray shirkaasi waxay yahiin.

Muxuu Shirkani ku saabsanyahay?

Inagoon jawaabta Su’aasha akhristayaal meel kale ka raadin isla markaana ku ictiraaqin mala’awaal iyo fekrado aynu samaysanay ayaan doonaya inaan soo xigto, qoraallo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska xafiiska qaabilsan arrimaha Soomaaliya 23 December 2011-kii oo lagu faa-faahinaayey in la doonayo ra’yi uruurin ku saabsan shirkani isla markaana sharaxaad ay Wasaaradda arrimaha dibadda Britain kaga bixinaysay ujeedada shirkani ayaa waxaa lagu yidhi sidani:

The UK believes there is an opportunity right now to tackle the causes of instability in Somalia. We need an international approach focused on actions which support and build on the progress being made on the ground.

Turjumaadda Weedhaha ku qoran Afka Ingiriisiga

Boqortooyada Midawday ee Britain waxay rumaysantahay in ay jirto fursad hadda lagaga hortagi karo waxyaabaha sababaya degenaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya, waxaynu u baahanahay Gacan caalami ah taasi oo ku wajahan taageero siinta iyo dhismaha horumarka laga gaadhay imika gudaha dalka Soomaaliya

Haddana iyadoo qoraalkaasi ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Britain la sii wado waxaa lagu yidhi sidani:

London Conference: Main Messages and Initial Conclusion

-It is clear that August 2012 is a key deadline.
– Other parties in Somalia need to be brought into the political process more effectively, to allow for more representative government. The

– Transitional Federal Institutions could be succeeded by some form of Constituent Assembly and Interim Authority.

– Some feel strongly that there needs to be a decisive shift towards supporting some of the regional administrations like Puntland and Galmudug, building on the relative success of Somaliland. Others are equally clear that support for central organs of state remains a key principle.

– All wanted better coordination between international partners on assistance; some suggested a Joint Financial Management Board.

Turjumaadda Weedhaha Ku Qoran Afka Ingiriisiga

Shirka London: Farriimaha Ugu Waaweyn iyo Bilawga Gundhiga:

– Waxaa inoo cad in Bisha August 2012 inay tahay wakhtigii ugu danbaysay ee Dawladda TFG-da

-Waxaa loo baahanyahay in Qaybaha Soomaaliya lagu soo daro qaabka wada-hadaladda Nabadda si dhamaystiran, si loo hello Dawlad sal-balaadhan oo laga wada dhex muuqdo

-In Lagu Bedelo Nidaamka Ku Meel-gaadhka ah ee hadda ka jira Soomaaliya laguna bedelo  qaab Dastuuri ah iyo dawladd kala guur ah oo ku meel-gaadh ah

– Waxaa lagaga wada hadli doona shirka fekerka odhanaya waa in la taageero qaybaha Soomaaliya ee degenaanshaha haysta sida Galmudug, Puntland iyo Somaliland horumarka dhinaca degenaanshaha ay ka sameeyeen, iyo weliba in la hello unug mideeya oo lagu taageero Dawlad dhexe oo Soomaaliya yeelato isla markaana dawlada dhexe noqoto mid lagama maarmaan ah in la helitaankeedu

– Waxaa la isku raacay in la hello nidaam isku xidhaya dawladaha daneeya gacansiinta Soomaaliya, waxaa qayb ka mid ahi soo jeedisay in la hello Maamul guud oo laga maamulo dhaqaalaha iyo  maaliyadda Soomaaliya loogu tallo gallay

Soo Bandhigidda Ajandaha Shirka Soomaaliya ee London Ka Dhacaya 23 February 2012

Matt Baugh oo ka mid ah Afar Hawl-wadeen oo loo xil-saaray diyaarinta ajandaha shirka Soomaaliya isla markaana ah Diblomaasi darajo hoose oo ka hawl-galla safaaradda Britain ku leedahay Kenya ayaa wuxuu dhawaan ka furay Barta internetka ee Wasaaradda arrimaha dibadda ingiriiska Bog uu ku soo bandhigay ajanadaha shirkaasi wuxuuna ku soo uruuriyey ajandaha shirkaasi lagaga hadlaayo dhawrkani arrimood oo iyagoo afka ingiriisiga ku qoran ka soo xiganayno sidani:

the London Conference is about making the most of the opportunities in front of us:

–       The opportunity to support a more inclusive and representative political process when the Transitional Period ends in August 2012;

–       The opportunity to help people return to Mogadishu and rebuild their lives in that city;

–       The opportunity to take further action against Al Shabaab and piracy;

–       The opportunity to reinforce the relative stability in areas of Somalia, such as Somaliland and Puntland and in the south.

Turjumaadda Weedhaha Kor Ku qoran ee Matt Baugh

Shirka London wuxuu ku saabsanyahay samaynta fursadaha ugu waaweyn ee hadda ina horyaalla oo kala ah:

– Fursadda ah in lagu taageero Dawlad loo dhanyahay oo laga wada dhex muuqdo marka uu dhammaado wakhtiga ku meel-gaadhka ah Bisha August 2012

– Fursad ah sidii gacan loo siin lahaa dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho inay guryahoodii dib ugu soo laabtaan isla markaana u dhisaan magaaladodii Muqdisho

– Fursadda ah in la qaado ficilo horleh oo ku saabsan sidii loola dagaalami lahaa Alshabaab iyo kooxaha budhcad-badeeda ah

– Fursadda ah sidii loo xoojin lahaa goobaha degenaanshahu ka jiro Soomaliya sida Puntland, Galmudug, Somaliland iyo gobolada koonfuurta Soomaaliya

Somaliland Maxaa Shirkani Saamayn Ku Leeyahay

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar  oo dhawaan weraysi siinaayey qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Somaliland faah-faahina ka bixinaayey kulan dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenka Safiirka Britain u fadhiya Addis Ababa Chris allan wuxuu sheegay in dawladda ingiriisku ay sheegtay wax ka duwan ayuu yidhi Wasiirku wixii ay hore uga aaminsanayeen shirkaasi, oo ayuu yidhi markii hore ahaa in lagaga hadlaayey arrimaha Soomaaliya laakiin ayuu yidhi Wasiirku imika sida uu Safiir ku xigeenku u sheegay Madaxweynaha lagaga hadli doono arrimo ka waaweyn oo saamayn ku leh ayuu yidhi  Somaliland.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar isagoo sii sharaxaya kulankaasi wuxuu yidhi Madaxweynahu wuxuu ugu jawaabay waanu ka tashanayna, haddana isagoo Wasiirku laabta ka jecel in Somaliland shirkaasi ka qayb gasho ayaa isagoo dadka jeclaysiinaya wuxuu yidhi “Shirkaasi Somaliland waxay uga qayb gallaysa iyadoo ah dal madax bannaan oo ka mid ah 40-ka dawladood ee shirka lagu casuumay, waxaana hogaamin doona ergada Somaliland Madaxweynaha”.

Waxaan halkani ku caddaynaya sida ku cad ajandayaasha aan kor ku xusayna in haddii Somaliland ka qayb gasho shirkaasi ay madax banaanidii iyo jiritaankii iyo sheegashadii qaranimo ee Somaliland uu meesha ka baxayo sababtuna waxay tahay sida kor ku xusan ajandayaasha shirkaasi Somaliland waxaa lagaga xusay laba meelood oo aan kor ku callaamadiyey labada gooboodna waxaa lagu sheegay inay tahay qayb Soomaaliya ka mid ah, Dawladda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ma ummaddii dooratay ayey u haysata inay caqli laayahiin oo garaad la’yahiin oo aanay waxba fahmayn mise badheedh ayey ka tahay inay garato inay shirkaasi ka qayb gasho.

Aniga ra’yi ahaan xita Madaxweynahu ma ahayn inuu Safiir ku xigeenkii soo booqday ku yidhaahdo waanu ka tashanayna kelmadda “waanu ka soo tashanaynaana” waa kelmad daciif (Weak) siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba, oo muujinaysa 1) inaanu Madaxweynahu kalsooni haysan 2) In aanu Madaxweynahu go’aan qaadasho lahayn 3) inay Dawladdu doonayso inay shirka ka qayb gasho balse ay doonayso inay tijaabiso dadkii kale ee reer Somaliland.

siday ku dhici karta inuu Madaxweynahu u yidhaahdo waanu ka soo tashanayna iyadoo ay Somaliland shirka ajandahiisa ay kaga taallo iyadoo ah qayb Soomaaliya ka mid ah sida Galmudug, Puntland iyo qaybaha koonfurta Soomaaliya mise Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadddu waxaanay weli akhrisan qodobka 1-aad ee Dastuurka Somaliland ee odhanaya sidani “Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkandal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

Madaxweynahu miyuu ugu jawaabi kari waayey diblomaasiga soo booqday ee Safaaradda ingiriiska ee Addis Ababa inay Somaliland tahay dal madax  bannaan isaga (Axmed Siilaanyo) loo doortay inuu hogaamiye u yahay dal madax bannaan oo aan dal kale xorriyadiisu hoos oolin.

Anigu waxaan qaba inay Xukuumaddu ummaddana afka uga sheegayso inaanay ka suurtagal ahayn inay burburiso qaranimada Somaliland, laabta iyo albaabada dabadoodana ka waddo ficilo lugta qabanaya madax banaanida Somaliland, waxaan aaminsahay in haddii ay Xukuumaddu go’aan ku gaadho ka qayb galka shirkaasi inaynu ka hor qiranay beesha caalamka horteeda inaynu nahay gobol ka mid ah Soomaaliya , shallay ayeynu u markhaati ahayn sannadkaasi sannadkiisii Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka qayb gallaya Shir lagu qabtay Steynning West susux UK oo lagaga hadlaayey arrimaha Soomaaliya oo uu Wasiirkeena arrimaha dibaddu si indho iyo dhego la’aan ah oo uu dadka moodayo juhalo u difaacaayey khaladkiisa.

Waxaan ku soo gebo-gebayna Madaxweyne uma baahna Shirka London arrin laga tashado  Shirka London ajandahiisu wuxuu si cad u iftiiminaya inay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya waxaan ka codsanaya inaad si cad u iftiimiso uguna iftiimiso beesha caalamka iyo reer Somaliland inaanay Somaliland shirkaasi ka qayb gallayn isla markaana aanay ahayn qayb Soomaaliya ka mid ah.

Doodda Odhanaysa Haddii Ay Somaliland Shirka Ka Qayb Geli Waydo Britain Waxay Joojinaysa Deeqdii ay ina siinaysay

Waxaan u arka feker daciif ah oo dad dano gaar ah leh ay doonayaan inay ku khuukhiyaan shacabka Somaliland in aynu waayi doono taageeradii Britain, inkastoo aan halkani ku xaqiijinayo inaanay arrintaasi jirin oo aanay sal iyo raad toona lahayn haddana haddiiba ay dhacdo Somaliland ma Deeqaha Britain ayaa lagu dhisay su’aashu waa maya, Qaranimada, jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland ka weyn 60 malyuun oo Euro wax la siisto mana aha mid hadyad ugu timid shacabka Somaliland.

Mawqifka ah inaanay Somaliland ka qayb gallayn shir Soomaaliya qaybaheeda is cunaya loo qabanayo isla markaana aanay Somaliland ahayn qayb Soomaaliya ka mid ah  haddii uu ina gayaysiinaayo in 60 Euro aynu ku wayno waxaan leeyahay Somaliland wax ka weyn ayey hore ugu wayday oo ah boqolaal kun oo qof oo dhiigooda u huray, anigu ma aaminsani inay dhici doonto duniduna waxay ku dhaqanta dann wadaag (Matual interest) waxaa quman kuwa sida u fekeraya inay fahmaan in madax banaanida ay ku lammaantahay  degenaanshaha, dimuquraadiyadda iyo madax banaanida Somaliland inay dan u tahay degenaanshaha London, Paris  iyo Birmingham.

Ugu danbayntii Waxaan usoo jeedinaya:

1. Madaxweynaha Somaliland

Inuu ogaado inaanu Isaga dooranay ee aanan cid kale dooran isaguna uu yahay hogaanka qarranka Somaliland ilaalinteeduna isagu uu yahay qofka ugu horeeya ee lagala xisaabtamayo, waxaan Madaxweyne ka codsanaya inaad qaadacdo shirkaasi waayo wuxuu ka soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka Somaliland wuxuuna sumcad xumo iyo taariikh xumo u keenaya adiga iyo Xukuumaddaada.

2. Hogaamiyayaasha Axsaabta

Sida xogta aan ku hayo Madaxweynahu wuxuu soo bandhigay tallo qarran oo aad qayb ka tahiin Mudanayaal waxaan idinka codsanaya inaydaan qayb ka noqon burburka dalkani isla markaana aydaan ku raacin Madaxweynaha in qarrankani sumcadiisa la burburiyo waxaan idinka codsanaya inaad Madaxweynaha kula talisaan haddiiba uu tallo idinka doonay in la qaadaco shirkaasi oo Somaliland ka dhigay gobol Soomaaliya ka mid ah

3. Shacabka Somaliland

Shacabka Somaliland waxaan leeyahay inaad ogaatan inaad isku duubnaataan, ilaalisaan qaranimadiina kula xisaabtantaan Madaxdiina ficiladooda qaranimada dalkani sumcad xummadda iyo karaamo beelka u keenaya, Shacabyahow wanaagsanim idinka dastuurka dalku idin siinaya awoodda ugu weyn ee qaranimo, ogaada hogaamiye kastaa inaanu samayn karin wax aydaan ka raali ahayn waxaan idin leeyahay ha ka yeelina cidna inay qarrankiina idinkoo arkaya burburo

Waxaan diirradda ku haya Shirkaasi qaabka uu u socdo, saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo, iyo weliba kooxaha cadawga u ah Somaliland ee doonaya inay uga faa’iidaystaan sidii Somaliland wax loogu yeeli lahaa beesha caalamkana sawir kale looga tusi lahaa waad ila soo xidhiidhi karta

Halkani guji oo ka akhriso documentskii ka soo baxay Shirka Soomaaliya ee London 23 oo afka ingiriisiga ku qoran

Halkani Guji Qoraalkii Ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Ku Saabsana Sida Somaliland loogu wiiqay

Haddii aad u baahato wixii faahfaahin ah la xidhiidh qoraaga.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

Qoraa Somalilander ah

waxaad kala xidhiidhi kartaa

E-mail: diridhaba@gmail.com